2 nin oo Soomaali ah oo lagu qabtay Maraykanka oo lagu eedeeyey in ay lacago u diraan Al shabab

Published on October 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wasaaradda Cadaalada ee Maraykanka ayaa dambiyo ku soo oogtay 2 nin oo Soomaali ah kuna nool Maraykanka laguna eedeeyay in ay lacago u direen Xoogaga Al shabaab ee dagaalka hubeysan kula jira DKMG ah ee Soomaaliya.Wasaaradu waxa ay sheegtay in 2da nin eedaymaha loo soo jeediyay ay kala yihiin lacago ay u direen Al shabab iyo ababul ay sameynayeen oo la xidiidha sidii loo taageeri lahaa shababka ,waxaana labaa nin la qabtay maalmihii Isniintii iyo Talaadadiii isbuucii tagay

 

War qoraal ah oo ka soo baxay dhanka garsoorka ayaa lagu xusay in labada nin ay kala yihiin  Maxamed Cabdi Yuusuf oo laga qabto Misori  iyo C/mahdi Xuseen oo laga qabto Minnesota,waxaa qoraalkaa sidoo kale lagu xusay in uu jiro nin 3aad oo loo badinayo in uu ku nool yahay Kenya ama Soomaaliya oo 2daa nin ay xidiidh wadaag ahaayeen.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ay isticmaali jireen magacyo been abuur ah iyo tilfoono lambaradoodu khaldan yihiin iyagoo talaabada sameyn jiray marka ay Xawaaladaha lacagaha ka dirayaan sidoo kalena tiriri jiray wixii faah faahin ah oo dhan.

Waxaa jiray howlgalo kala duwan oo ay isbuucyadii la soo dhaafay sameeyeen laamaha amniga Maraykanka sida FBI iyo CIA-da kuwaas oo lagu soo qabqabtay dad badan oo Soomaali ah heysatana dhalashada Maraykanka waxaana jirtay in qaar ka mid ah dadkaa la qabqabtay qaarkood wali su’aalo weydiin iyo dabgal lagu hayo.

 

Dadka Soomaalida ah ee inta badan lagu qabqabto gudaha dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyaa in lacago u diraan xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah iyo in ay abaabulo taageero u raadin ah u sameeyaan sidii looga mid noqon lahaa Al shabaab ama loo taageeri lahaa.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maxkamad ku taalla Seychelez oo xukuntay 5 Soomaali ah oo lagu eedeeyey burcad badeednimo
  2. Nin Mareykana oo lagu soo eedeeyey inuu Soomaali badan Sharcidaro kugalinayey Mareykanka.
  3. Dawladda Tanzania oo Uganda ku wareejisay muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab
  4. Burcad Badeed Soomaali ah oo la qabtay
  5. Maraykanka oo 3 nin oo Soomaali ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Al shabaab

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxkamad ku taalla Seychelez oo xukuntay 5 Soomaali ah oo lagu eedeeyey burcad badeednimo
  2. Nin Mareykana oo lagu soo eedeeyey inuu Soomaali badan Sharcidaro kugalinayey Mareykanka.
  3. Dawladda Tanzania oo Uganda ku wareejisay muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab
  4. Burcad Badeed Soomaali ah oo la qabtay
  5. Maraykanka oo 3 nin oo Soomaali ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Al shabaab

Latest Headlines