Safaarada Maraykanka ee ku taala MagaaladaNairobiee DalkaKenyaayaa soo saartay digniin ay u jeedinayso Muwaadintiinta Maraykanka ah ayna uga digeyso in ka baxaan DalkaKenyaama ay dhaq dhaqaaqyadooda yareeyan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Kooxo argagixiso ahi ay doonayaan in ay qaraxyo ka fuliyaan gudahaNairobi
Bayaan ka soo baxay Safaarada ayaa digiinano loogu jeediyay dadka Maraykanka ah ee ku sugan xiligan Dalka Kenya , balse Safaaradu ma aysan cadeyn cida ay tahay Kooxda fulineysa qaraxyada ay sheegtay waxayse safaaradu xustay in warkaasi ay soo gaadhsiiyeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo kuwaas oo u muujiyay in ay jiraan qorshayaal ay damacsan yihiin kooxo argagixiso ah ayna ku doonayaan in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Nairobi.
Digninaha ay Safaaradu jeediysay waxaa ka mid ahaa in muwaadiniinta Maraykanka ahi ay ka fogaadaan Xarumaha ganacsiga ee waawayn Kalaabyada habeenkii lagu caweeeyo iyo meelaha ay isugu yimaadan dadka Ajaanibta ah.
Waxaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Safaaradda “Safaaraddu waxa ay qaadatay ilaa xad wararka ay soo gaadhsiiyeen qeybaha war is dhaafiga rasmiga ah ee Maraykanka ee ku suganKenyawaxayna Muwaadiniinta Maraykanka ahi ka codsaneysaa in qaataan digiinaha safaarada ayna noqdaan kuwo digtoon sidoo kalena ay soo hormarsadaan safarada ay dalkaKenyaugu bixi lahaayeen”.
Safaaradda Maraykanka ayaa marar kala duwan sidan oo kale ka dhawaajisay digniinaha ay u jeedinayso dadka Maraykanka ah ee ku sugan gudaha DalkaKenya,waxa jiray safaro ay Dowladda Maraykanku muwaadiniinteeda ugu diiday in ay ugu safraan DalkaKenyakadib markii halkaa laga afduubay Asbuucyadii la so dhaafay dhowr qof oo ka soo jeeda wadamada reer galbeedka.
Digniinaha ay soo saartay Safaaradda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xili ay CiidamadaKenyagudaha u galeen Dalka Soomaaliya halkaana ay ka sameynayaan howlgalo ay sheegeen in ay kula jiraan kooxo gas wadayaal ah.

Related posts: