Midowga Afrika oo xaalada Soomaaliya ku tilmamay in ay tahay tan Caalamka ugu khatarsan

Published on October 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Madaxda ka qeyb galaysa shir madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay tahay cabsida ugu weyn ee Caalamka ka jirta xiligan xataa hadii xataa lala meel dhigo xaaladda ka jirta Dalka Afghanistan.

 

Shirka oo ay ka qeyb galayaan 30 Madaxweyne oo Afrikaan ah iyo madax kale oo kala kala socda Midowga Yurub Maraykanka , Qaramada Midoobay  iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa lagu soo hadal qaaday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada baahsan ee ka jirta Dalka Soomaaliya waxaana lagu tilmaamay in caalamka ay ku tahay dhibaato taagan xili kastaa.

 

U qeybsanaha Midowga Afrika Arimaha Nabadda iyoAmniga Ramitein Lamamra oo hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay cabsida ugu weyn ee Caalamka xiligan wuxuuna xusay in colaada Soomaaliya ay ku dhinteen tiro badan qaar kalena ay ku barakaceen wuxuuna yidhi “ bilowgii  sanadkii 2007 ilaa hadda waxaa la dilay 21 kun oo qof waxaana guryahoodii ka barakacay ilaa 1.5 milyan oo qof tanina waxa ay noqoneysa xaalada ugu xun xaaladaha ka jira Caaalamka”.

 

Midowga Afrika waxa uu Beesha Caalamka ka codsaday in si muuqda wax looga qabto xaalada Soomaaliya sidoo kalena si buuxda loo garab istaago ciimada Midowga Afrika ka joooga Soomaaliya.

 

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wufuud kala duwan oo ka socday Midowga Yurub, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay wuxuuna Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mun sheegtay in Xaalada Soomaaliya sida wax looga qaban karaa ay tahay iyada oo la xoojiyo Dowladda KMG ah iyo ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya sarena loo qaado shirirka lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya si looga gun gaadho xal u helidda dhibka Sooomaaliya.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Midowga Afrika oo sheegay in mushkiladda Soomaaliya ay tahay khalalka ugu weyn ee amniga Caalamka
  2. Midowga Afrika oo codsaday in la caawiyo ciidamada Nabad ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya
  3. Midowga Afrika codsaday in Soomaaliya loo diro 20 Kun oo Askari
  4. M.Afrika oo ka shiraya Arimo ay ka mid tahay Soomaaliya
  5. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Midowga Afrika oo sheegay in mushkiladda Soomaaliya ay tahay khalalka ugu weyn ee amniga Caalamka
  2. Midowga Afrika oo codsaday in la caawiyo ciidamada Nabad ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya
  3. Midowga Afrika codsaday in Soomaaliya loo diro 20 Kun oo Askari
  4. M.Afrika oo ka shiraya Arimo ay ka mid tahay Soomaaliya
  5. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira

Latest Headlines