Dowlada Qatar ayaa Dalka Soomaaliya gaadhsiisay ducadii 4aad oo ka mid ah gar gaarka ay ugu tala gashay in ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarahu ku dhufteen kuna sugan gobolkada Koonfureed ee Dalka.
Hey’adda Gar gaarka Qatar oo howlaha gar gaarka ku howlan ayaa sheegtay in kaalmooyinka ay ugu tala gashay Soomaaliya ayna dufcadda afaraadi tahay mid ka koobneyd Teendhooyinka laga sameeyo guryaha iyo kuwa roobka la isaga dhigo ,waxayna Hey’addu xustay in gar garkaasi uu yahay mid ay ugu tala gashay xili roobaadka oo hadda bilow ah.
Hogyaha Hey’adda Gargaarka Qatar oo lagu magacaabo Yuusuf Al kadim oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay in dufcadii 4aad ee kaalmooyinka ay ugu tala galeen Dalka Soomaaliya ay ku wareejiyeen Xamaad C/qaadir Gudoomiyaha guud ee Ururka Dacwada Islaamka iyo Mukhtaar Cali Yusuf oo ah la taliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar.
Waxa uu xusay Al Kadim in dufacadda 4aad ay ka kooban tahay 50 Tan balse hadda ay diyaar gareeyeen 10 tan oo wajiga koowaad ee dufacadda,wuxuuna tilmaamay in wakhti xaadirkan waxa laga doonayaa dadka Carabta ahi ay tahay sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda ay abaaruhu la so darseen ee ku sugan Soomaaliya.
Wajiga labaad ee ducadda ayuu ku sheegay in ay ka koobnaan doonto agabka wax lagu karsado iyo kuwa la shito habeenkii ,wuxuuna carabka ku adkeeyay in qeybaha kala duwan ee dufcadda 4aad ay ku soo gaba gabeyn doonan ilaa Asbuuc ugu badnaan.
Al Kadim waxa uu dhanka kale sheegay in kaalmooyinka ay ugu tala galeen Soomaaliya ay ka soo aruuriyeen ilaa 7700 oo qof oo ku deeqay waxyaabo kala duwan wuxuuna Dadka Qatar ku amaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen u gar gaaridda walaloood.
Dhanka kale la Taliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf ayaa Hey’adda Gargaarka Qatar uga mahadceliyay gar gaarka aan kala go’a laheyn ee ay gaadhsiinayso shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu la soo darseen.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Hey’adda Gargaarka Qatar kaalmooyin gaadhsiiso gudaha Dalka Soomaaliya waxaa horey ay Hey’adaasi gar gaaro kala duwan u gaadhsiisay Gobolo kala duwan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts: