Al shabaab oo hanjabaado u jeedisay Dowlada Kenya

Published on October 18, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Xarakadda Al shabaab ayaa ku goodisay in ay weerar toos ah ku qaadi doonto DowladdaKenyahadii ay ciidamadeeda kala bixi weydo Dalka Soomaaliya kuwaas oo lagu sheegay in ay soo galeen gudaha Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay.

 

Af hayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere oo arintaa ka hadlay ayaa sheegay in talabo muuqata ay qaadi doonaan ciidamo ka tirsan Al shabaab-nna ay u dhaqaaqeen deegaamada lagu sheegay in ay joogaan CiidamadaKenya.

 

Sheekh Cali Dheere waxa uu xusay in ay waajib tahay in laga hortago dhamaan cadowga isasoo kaashanaya ee Dalka soo galaya wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay lagama maar maan tahay in loo diyaar garoobo dagaal lala galo cadowga iska soo baheysanaya ee ku soo duulaya Dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Turki oo waraysi siiyay Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in Ciidamada Dalka Kenya ay kusoo gardaroodeen Dalka Soomaaliya ,Dalka Soomaaliyana uu yahay muqadas wuxuuna yidhi isagoo arintaa ka hadlaya “ insha’llah waxa ay ciidamada Kenya waxa ay dib u noqon doonaan iyaga oo guul dareystay kuna wax yeeloobay rasaasta Mujaahidiinta  waa in loogu yeedhaa Soomaalida oo dhan sidii ay ugu midoobi lahayd la dagaaladanka cadowga u ooman dhiiga shacabka Soomaaliyeed”

 

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo u waramay Wakaalada AP ayaa sheegay in uu arkay ilaa 50 gaadhi oo Tikniko ay oo u amba baxay Keyna wuxuna intaa raaciyay in ay jireen gawaadhiga Surf-ta loo yaqaan oo ay saraakiil saran yihiin ay wehliyeen 50-kaas gaadhi.

 

Hadalka kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayaa ku soo beegmaya xili ay dowladaKenyasi toos ah ku shaacisay in ciidamadeedu ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  2. Al-shabab oo ka jawaabey Eed Kenya u jeedisay.
  3. Dowlada Kenya oo cunaqabateyn ku soo rogtey C/laahi Yuusuf
  4. Al-Shabaab oo Gaaray Dhoobley, Sh. Xasan Turki oo soo dhaweeyay iyo Xubno ka tirsan Al-Xisbul Islaami oo galay Kenya.
  5. Dowlada france oo soo jeedisay Dowlad xoog leh Soomaaliya in laga dhiso, si Burcada Badeeda looga hortago

Readers Comments (1)

  1. Khalid says:

    Dowalada kenya anigu wan kuracsanahay al shabab waxa rajaynaya in nag laga dhigo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  2. Al-shabab oo ka jawaabey Eed Kenya u jeedisay.
  3. Dowlada Kenya oo cunaqabateyn ku soo rogtey C/laahi Yuusuf
  4. Al-Shabaab oo Gaaray Dhoobley, Sh. Xasan Turki oo soo dhaweeyay iyo Xubno ka tirsan Al-Xisbul Islaami oo galay Kenya.
  5. Dowlada france oo soo jeedisay Dowlad xoog leh Soomaaliya in laga dhiso, si Burcada Badeeda looga hortago

Latest Headlines