Af hayeenka Al shabaab oo sheegay in ay 50 askari ugu dileen AMISOM dagaaladii maalmihii tagay ka dhacay Muqdisho

Published on October 15, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Xakarada Al shabab ayaa sheegatay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la gashay maalmihii  Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku dishay 50 askari oo ka mid ah kuwa AMISOM ee ka qeyb qaadanayay dagaaladii dhacay .

Af hayeenka Xarkada Al shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa sheegay in qorshayaashii military ee ay ugu talagaleen magaalada Muqdisho ay guuleysteen ayna khasaarooyin kala duwan ay gaadhsiiyeen ciidamada AMISOM

TV-ga Al jazeera oo soo xiganaya hadalkaCalidheere ayaa baahiyay in uu yidhiCalidheere “ weeraradii xidhiidhka ahaa ee ay Ciidamada Xarakadu ku qaadeen Khamiistii tagtay Saldhigyadii ay sida xeeladeysan uga baxeen Mujaahidiinti ayna dagaallo rogaal celis ah oo ay soo qaadeen ku dileen 50 askari oo Amisom ah”

Calidheere waxa uu tilmaamay in dagaaladoodu ay yihiin kuwo leh qorshayaan dajisan wuxuna yidhi “ mar kastaa oo ay ciidamada is garabsanayaayi ay isku dayaan in ay goobahooda ka soo baxaan doonana in ay dhul balaashi sameeyeen waxa ay mujaahidintu ku qaadayaan dagaal qorsheysan oo khasaare balaadhan gaadhsiinaya”.

Dhanka kale Cali Dheere waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in Al shabaab ay gabi ahaanba ka baxday Magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay in warkaasi uu yahay mid ay baahisay warbaahinta cadowga u adeegta waa sida uu hadalka u dhigaye ,wuxuuna intaa raaciyay in Amisom iyo kuwa kaleba aysan waligood wax guul ah ka gaadheyn dagaalada Muqdisho.

Hadalka Af hayeenka Xarakadda Al shabaab ayaa ku soo beegmaya xiliga ay jiraan abaabulo kala duwan oo la dareemayo dhanka DKMG ah iyo kuwa amisom oo la xidiidhi is baahin la xidhiidha la wareegidda goobo deegano ku yaala waqooyiga Muqdisho.

Xigasho _

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Af hayeenka Al shabaab oo sheegay in AMISOM ay ku fashilantay Dagaaladii ay Xarakadooda ku soo qaadi jireen
  2. Af hayeenka AMISOM oo beeniyay guulaha ay Al shabaab ka sheegteen dagaal ka dhacay Boondheere & shibis shalay galab
  3. Afhayeenka ciidamada Xarakada Shabaab oo ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Muqdisho
  4. Xarakada Shabaab oo sheegtay in gaari tikniko ah ay ka gubeen Amisom lix askarina ay ka dileen
  5. Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Af hayeenka Al shabaab oo sheegay in AMISOM ay ku fashilantay Dagaaladii ay Xarakadooda ku soo qaadi jireen
  2. Af hayeenka AMISOM oo beeniyay guulaha ay Al shabaab ka sheegteen dagaal ka dhacay Boondheere & shibis shalay galab
  3. Afhayeenka ciidamada Xarakada Shabaab oo ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Muqdisho
  4. Xarakada Shabaab oo sheegtay in gaari tikniko ah ay ka gubeen Amisom lix askarina ay ka dileen
  5. Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Latest Headlines