Waxaa maanta xasiloon magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka udug ka dib dagaalo maalmihii Khamiista iyo Jimcaha ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada, walow uu jiro khasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalka.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya saaka gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa guud ahaan xasiloon xaalada dhanka waqooyi iyadoo uu ganacsigii magaalada iyo isu socodkii dadka uu dib u bilawday saaka oo Axad ah.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku nool qeybaha magaalada ayaa illaa hadda wada dadaalo nabadeyn ah oo lagu kala dhexgalayo dhinacyadii ku dagaalamay waqooyiga Gaalkacyo.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha ay sababeen dagaaladii labada maalmood ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaasi oo dadka ku dhintay illaa hadda ay gaarayaan 40 ruux iyadoona dhaawacu uu kor u dhaafay 100 ruux oo ah dadka rayidka ee deganaa waqooyiga.
Sidoo kale barakac baaxad leh ayaa ka dhacay xaafgada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Related posts:
Somali Mirror maxeey ooga hadli waaysay qaraxii loo geystay ardaydii isu diyaarineysay ineey wadankooda wax usoo bartaan.