Mungaab “Askarigii difaaca ka soo baxa xukunkiisu waa dil toogasho ah”

Published on September 2, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee DKMG ah  Xasan Maxamed Xuseen [Mungaab] oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin u jeediyey askarta DKMG ah ee ku sugan jiidaha dagaalka inaysan ka soo bixin gobaha ay jogaan isagoo sheegay in askarigii ka soo baxa furinta la toogan doono.

Shir jaraa’id uu Mungaab ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in maxkamada ciidamada ay ku fulin doonto xukun dil ah askarigii lagu helo isagoo si amar la’aan ah uga maqan goobtii lagu ogaa.

“Waqtigan waxaa lagu jiraa xili dagaal oo uu dalku weli ku jiro siday go’aamiyeen madaxda DKMG askarigii xaruntiisa uu difaaca kaga jiro ka maqnaada waa dil xukunkiisu” ayuu yiri Gaanshaanle Mungaab oo saxaafadda u waramayey.

Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada inay ka fogaadaan dhaca ay ugeysanayaan dadka rayidka ee ku sugan degmoyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in dhaca isaguna lagu muteysan doono dil toogasho ah.

Hadalkan ka soo baxay gudoomuyaha maxkamada ciidamada DKMG ah ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan DKMG ah ay sheegtay inay qabsatay guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ka dib markii bil ka hor ay xarakada Al Shabaab sheegtay inay ka baxday magaalada Muqdisho.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Maxkamada ciidamada DKMG oo maanta xarig shan sano ku xukuntay askar dhac geysatay
  2. Maxkamada ciidamada DKMG ah oo maanta Qisaastey askari diley askari kale
  3. Tarsan “Waa nasiib darro haddii askarigii dawlada uu shacabka dhibaateeyo”
  4. Maxkamad ku taalla Muqdisho oo maanta 5 qof ku ridey xukuno xarig kala duwan
  5. Gudoomiyaha maxkamada ciidamada DKMG oo sheegay inay xukumi doonaan askartii shacabka ku leysay isgoyska Banaadir

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxkamada ciidamada DKMG oo maanta xarig shan sano ku xukuntay askar dhac geysatay
  2. Maxkamada ciidamada DKMG ah oo maanta Qisaastey askari diley askari kale
  3. Tarsan “Waa nasiib darro haddii askarigii dawlada uu shacabka dhibaateeyo”
  4. Maxkamad ku taalla Muqdisho oo maanta 5 qof ku ridey xukuno xarig kala duwan
  5. Gudoomiyaha maxkamada ciidamada DKMG oo sheegay inay xukumi doonaan askartii shacabka ku leysay isgoyska Banaadir

Latest Headlines