Golaha wasiirada DKMG oo mamnuucay hubka lagu iibiyo magaalada Muqdisho

Published on September 2, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Golaha wasiirada DKMG Soomaaliya ayaa soo saaray amr lagu mamnuucaayo ka ganacsiga iyo qaadashada hubka ee gudaha magaalada Muqdisho.

Ka dib kulan ay golaha wasiirada xukuumada KMG Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen wareegto sheegeysa in ay mamnuuceen in hubka laga ganacsado taasoo ay sheegeen inay amniga khatar ku tahay.

Wasiirka Warfaahinta DKMG C/qaadir Xaaji Xuseen Jaahweyn ayaa sheegay in golaha wasiirada ay si buuxda isugu raaceen in la mamnuuco iibka hubka.

Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay wadeen howlgalo ay kula dagaalamayeen hubka sharci darada ah ee lagu dhex iibiyo magaalada Muqdisho.

Waxaanan la ogeyn sida ay ku hirgali karto go’aankan iyadoo la og yahay in DKMG aysan gacanta ku wada heyn suuqyada ku yaalla magaalada isla markaana ganaciga hubka uu yahay mid furan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Golaha Wasiirada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay.
  2. Golaha Wasiirada DKMG ah oo lagu Wado in goor dhow la dhaariyo
  3. Golaha wasiirada DFKMG ah oo war ka soo saaray isbaarooyinka Muqdisho yaalla
  4. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  5. Cumar C/rashiid Cali Shamara’arke oo lagu wado in uu Golaha Wasiirada ku kobo 14 Wasiir

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Golaha Wasiirada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay.
  2. Golaha Wasiirada DKMG ah oo lagu Wado in goor dhow la dhaariyo
  3. Golaha wasiirada DFKMG ah oo war ka soo saaray isbaarooyinka Muqdisho yaalla
  4. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  5. Cumar C/rashiid Cali Shamara’arke oo lagu wado in uu Golaha Wasiirada ku kobo 14 Wasiir

Latest Headlines