Ciidamada Puntland iyo koox burcad badeed ah oo xalay isku rasaaseeyey Magaalada Boosaaso

Published on September 2, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Iska horimaad u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo koox burcad badeed ah oo hubeysan ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo uu jiro khasaare ka dhashay iska horimaadkan.

Iska horimaadkan ayaa sida wararka a soo gaaraya ay sheegayaan waxaa uu ka dhashay hawlgal ciidamada Puntland ay ka sameynayeen xaafada Netco ee dhanka bari ee magaalada oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen kooxda burcad badeeda oo horey u soo afduubay maraakiib ganacsi.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen iska horimaadkan oo socday qadar nusa saac ah habeenkii xalay, waxaana mudo kooban hakjad galay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dadka ee xaafadaasi.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland kaa oo ay kaga hadlayaan iska horimaadklan xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xaalada ayaa saaka ah mid degan waxaana guud ahaan magaalada ay ku soo waabariisatay jawi nabdoon saaka.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Iska horimaad u dhexeeya ciidamada Puntland iyo koox budhcad badeed ah oo ka dhacay deegaanka Bandarbeyla
  2. Nin Kenyan ah oo la socday Dooni nooca kaluumaysiga ah oo ay xalay dileen Burcad badeed
  3. Dagaal dhex marey Ciidamada Puntland iyo Burcad Badeed heysata Markab Ganacsi
  4. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  5. Wasiirka Amniga Puntland & Duqa M. Boosaaso oo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay Boosaaso

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Iska horimaad u dhexeeya ciidamada Puntland iyo koox budhcad badeed ah oo ka dhacay deegaanka Bandarbeyla
  2. Nin Kenyan ah oo la socday Dooni nooca kaluumaysiga ah oo ay xalay dileen Burcad badeed
  3. Dagaal dhex marey Ciidamada Puntland iyo Burcad Badeed heysata Markab Ganacsi
  4. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  5. Wasiirka Amniga Puntland & Duqa M. Boosaaso oo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay Boosaaso

Latest Headlines