Bilashadii bisha ramadaan waxaa dardar iyo xawli ku bilowday waxqabadyada ay qabanayaan culimada magaalada qardho taasoo ruux dareen leh ku abuurtay dadawaynaha muslimka ah eeku nool magaalada qardho, faraxna gelisay dhamaan muslimiinta, soona celisay dareenkii walaalnimo iyo kii dacwadeedba, hawlahaas oo isgu jiray mid wacyigelineed, taakulayn dadka baahan,iyo tartamo kor loogu qaadayo barashada iyo jacaylka qur,aanka kariimka, hawl qabadyada magaalada ka dhacay bishaan waxaa ka mid ahaa kuwan
Wacyigelinta iyo boorinta khayrka
Si habsami leh waxaa masjidka weyn ee cumar bin khidaab uga bilowday tukashada salaada taraawiixda iyo tawjiihaadka diiniga ah ee ay wadeen culimadu, waxa salaadaha tujinaayay sanadkaan sadex qaari oo kala ahaa
1- Qaaricalimaxamedcali
2- Qaari muxayadiin faarax xassan
3- Qaaricalijaamac nuur (calixiir)
Iyaga oo run ahaantii dadka dhegehooda ay aad u jeclaysteen qiraa’ada iyo sawdadka macaan ee culimadaasi ku akhrinaayeen kitaabka alle , waxaa kale oo dhex socday tawjiihaad iyo wacyi gelin diini ah oo run ahaantii habeenba lagu daweynaayay qodobo xasaasi ah oo ku saabsan danta umada tan aakhiro iyo tooda aduun labadaba oo ay jeedinayeen mashaaikh caan ah, waxaana sanadkaan ka qayb qaatay mashaa’ikhda kala ah :
1- Sheikh Daahir aw cabdi
2- Dr Axmed Xaaji C/raxmaan
3- Sheikh Xassan maxamed ibraahim
4- Sheikh Maxamed Macalin Axmed
5- Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaaji nuur
6- Sheekh C/shakuur Aadan Faarax
7- Sh Xasan Maxamed Muuse (xasan Bookh)
Mashaa’ikh daa oo si isdaba joog ah dadka muslimiinta ah u tusaalaynaayay dantooda aduun iyo tan aakhiroba, kana saxaayay waxyaalaha khalddan una ducanaayey umada soomaaliyeed in alle ka saaro dhibta iyo darxumada haysata,
Waxaa sidaa oo kale duruus taxana ah ka waday masjidka sheikh Xasan maxamed muuse ( xassan bookh ) oo dawr aan la ilaawi Karin kaga jiray toosinta umada iyo hagideeda
Tartanka Qur’aanka kariimka ah
Taariikhdu markii ay ahayd 10/09/1432h waxaa si habsami leh uga bilwday jaamac Cumar Bin khidaab Tartanka Qur’aanka kariimka ah oo ay ku tartamayeen arday dhan 53 ardaya oo ka kala socday 23 dugsi oo ku yaala magaalada Qardho, waxana lagu taratamaayay laba qaybood oo kala ah 30 jus iyo 10 jus ee Qur,aanka kariimka ah.
Waxa uu soo gabagboobay tartankaasi 15/09/1432h isaga oo la gudoonsiiyay ardaydii kaalinta sare gashay abaal marino qiimo lahaa iyada oo iyana la xusay kuwii ka qayb galay oo dhan, tartankaasi waxa uu sanadkaan abuuray dhiiri gelin iyo jececl ay umadu u sii qaaday barashada qur’aanka kariim ka ah waxaana labadii arday ee kaalimaha kowaad galay ay ka qayb galeen tartankii gobolada oo ka dhacay garoowe 25/09/1432h — 27/09/1432h waxana uu qaaday ardaygii kaalinta kowaad ee qur,aanka oo dhan ku tartamaayay kaalinta kowaad ee gobolada Puntland, ardaygii kalena waxaa isna uu galay kaalinta sadexaad ee Gobolada Puntland
Ciidsiin agoon gaaraysa 150 agoon

Waxaa culimadu bilaabeen olole xambaarsan dareen walaalnimo kaasoo lagu ciidsiinaayo qayb ka mid ah agoonta magaalada qardho oo gaaraysa 150 agoon waxaana halkii agoon loogu talo galay lacag gaaraysa $30 taasoo laga uruuriyay jaamac cumar bin khidaab muslimiinta ku tukuta, wuxuuna arinkaasi abuuray jawi iskaashi iyo isku filnaasho umada dhexdeeda ah iyada oo soo celisay dawrkii ay lahayeen masaajidu
Fududaynta gaarsiinta gargaarada meelaha loogu talo galay

Culimadu waxa ay sahaleen oo ka qayb qaateen iyaga oo kaashanaya akhyaarta in ay gaarsiiyaan gargaaro loogu talo galay dadka baahan eeku nool magaalada qardho gargaaro raashin ah oo ay bixiyeen hay,ado samafal ah oo Isalaami ah oo kala haa ( ha,ada Ixyaa turaas al islaami ee kuwayd) iyo Xamdaan raashid bin maktuum kuwaaso gaarsiiyay dad gaaraya 700 qoys raashin kala ah Bur, Sonkor,Saliid, Caano boore,iyo Timir, waxaa kale oo dhinac socday gargaaro yaryar oo dad is xil qaamay ee gobolku ay bixinaayeen culimadu ay gaarsiinaysay dadka baahan
Gunaanad
Waxaa muuqatay kaalinta wax ku oolka ah ee culimadu kaga jirto bulshadeeda iyo hormuudnimada ay u yihiin umadooda soomaaliyeed iyo kalinta weyn ee masjidku ku leeyahay bulshada dhexdeeda, waxaana lagama maarmaan ah in lakobciyo kaalintaa ugu danbayntii culimadu waxay yihiin laf dhabarta iyo udub dhexaadka isu haya bulshada sidaa awgeed waxaan alle ka baryaynaa inuu cimri dheer iyo cibaado toosan ku irsaaqo culimadeena, ajar iyo abaalna ka siiyo dadaalka ay umada u hayaan Aamiin –Aamiin
Maamulka Masjidka
Cumar Binu Khadaab Qardho

Related posts: