Xoghayaha Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta sheegay in ciidamada DKMG ah ay soo qabqabteen maleeshiyaad dhowaan dhac u geystay dad barakacayaal ah oo ku sugan qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaadkaasi caadeystay boobka gargaarka loo sido dadka tabaaleysan ayaa lagu so qabtay hawlgal ay sameyeen ciidamada DKMG ah, wuxuuna hawlgalku ka dhacay xaafada Siliga ee Degmada Wadajir ee gobalka banaadir.
Cabdi Kaafi Hillowle Cismaan oo ah xoghayaha maamulka Gobalka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maleeshiyada ay soo qabteen ay yihiin labo nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud isla markaana sitay dharka tuutaha DKMG ah wuxuuna sheegay inay u gudbinayaan maxkamadaha ku shaqada leh.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowlada ay soo qabteen askar ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay dhac ka geysteen goob dad barakacayaal ah deeq lagu gaarsiinayay, waxaana hore DKMG u sheegtay inay dil toogasho ah ku fulinayso cidii lagu soo qabto iyadoo boobaysa dadka barakacayaasha ah.

Related posts:
Good
waa sax nin arkari ah oo hub kudhax wato shacbka gudihiisa waa in la,dilaa iyo kii boob ugeysto barakacyaasha waan in la toktaa isagane iyo iibinta hubka lagu dhex ibinaayo magalada dhexdeeda by aqyareey