Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay saddex ruux waxaana dhaawac uu soo gaaray laba qof oo kale kadib markii israsaaseyn ay dhexmartay ciidan ka tirsan Booliska Gobolka Mudug iyo dhalinyaro hubeysan oo ku sugan xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo maanta.
Israsaaseynta ayaa ka bilaabay hawlgal ay saaka ciidamada Puntland ka wadeen xaafada Garsoor iyagoo sheegy inay doonayaan dad ay uga shakiyeen arimo amniga khuseeya.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah sarkaalkii ugu sareeyey ciidanka Puntland ee gobolka Mudug Maxamed Jaamac Beergeel siday sheegeen dad ku sugan magaalada.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka gobolka Mudug iyo maamulka Puntland oo la xiriira dhacdadan, waxaana arintan ay saameysay maanta hawlihii ganacsi ee magaalada.
Hawlgalka ay saaka qaadeen ciidanka Puntland ayaa ka dambeeyey falal amni darro ah oo beryahan ka taagnaa magaalada Gaalkacyo kuwaasoo dad kala duwan lagu dilay.

Related posts: