Sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maalmihii u danbeeyey soo buuxiyey qeybo ka mid ah degmooyinka goblka Gedo gaar ahaan degmada Luuq.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay wataan gawaaridda sida Kaarayaal iyo gawaarida loo yaqaan Uuraalka oo ciidamada lagu daad gureeyo.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in imaanshiyahooda uu ka dmabeeyay ka dib dhaqdhaqaaq balaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowlada taasi oo qeyb ka ah dadaalo ay ciidamada dowlada ay ugu jiraan sidii gacanta ay ugu dhigi lahaayeen degmooyinka Baardhaare iyo deegaanka Buurdhuubo oo ay ku sugan yihiin Ururka Alshabaab.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah oo kala yimid dhana xuduuda ayna soo galeen gudaha degmada Luuq iyagoo maantana la arkayey fariisimo ay ka sameysteen hareeraha degmada Luuq.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobalka Gedo iyo halkaasi ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Itoobiyaanka iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ciidamo Itoobiyaanka ay soo galaan gudaha ciida Soomaaliya.

Related posts:
Hadi anu nahay dad muslim ah wa inan ka hortagna cidkasto e nabadid ku ah somaliya hadi ay ahan lahed kuwa dowlada sheganaya iyo itobiyanka in la iska qabta wa dinlawayal wa mulxidin Ale ku kufrisay hadi an nahay shacabka somaliye ikhtiyar ayan u lenahay inan kahadalno danaha yagu