Wafdi ka socda hay’adda saad oo mucaawino gaarsiiyay qoxootiga doolow aaddo

Published on August 31, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Wafti ballaadhan oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda SAAD Sh.Axmed C.naasir (Axmed Nashaad) ayaa waxay booqasho ku tageen shalay Xeryaha Qaxootiga ee Doolow Addo.

Waftigan oo ka koobnaa 6 xubnood markii ay gaadheen garoonka Doolow waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin kakala socda Hay’adda UNHCR iyo Hay’adda ARRA oo Dowladda itoobiya u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo waliba howlwadeno ka tirsan Hay’adda SAAD oo uu horkacayay Dr. Maxamed Ayaanle oo iyagu howlo shaqo u joogay goobtaas.

Maareeyaha Hay’adda SAAD Sh.Axmed Nashaad ayaa ugu horeyntiiba wuxuu kulan la qaatay Hay’aARRA si xog ballaadhan uu uga helo Xeryaha qaxootiga iyo baahiyaha ka jira , xog wareysigaa ka dib ayaa Maareeyaha iyo Waftigiisu waxay u dhaqaaqeen dhanka xeryaha, Xeryahaas oo ka kooban Afar xero oo waa weyn dadka ku jirana tiradoodu ay kor u dhaafayso ilaa (150,000) xeryahaas oo ku kakala yaala.

1- Boqolmaayo

2- Malkadiida

3- Koobe

4- Hilowayn

Booqasho gaaban ayaa wuxuu Maareeyuhu ku soo maray qaar ka mid ah xeryahaas ugu horeyn ayaa Maareeyuhu wuxuu booqday xero lagu magacaabo (Transit-ka) oo loogu tala galay in qaxootiga lagu qaabilo laguna diwaangaliyo kadibna loo dhaadhiciyo xeryaha waaweyn, Xeradan transitka ayaa waxaa ku jiray qaxooti tiradoodu dhanayd (5000) oo qoys .

Maareyaha ayaa dhex galay qaar ka mid bulshada degan xeradaas qaxootigu isgaoo isagoo u kuur galaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta, sidoo kale wuxuu wareysi la yeeshay xubna ka mid dadka soo barakacay ee ku nool xeryahaas.

Xilligaa ayaa waxaa ka socotay raashin qaybin ay fulinaysay Hay’adda SAAD, raashinkaas oo isugu jiray Bariis, Bur iyo Saliid waxaana qoyskiiba la siinayay 3litir oo saliid ah , 12.5kg Bariis ah iyo 12.5kg oo Bur ah.

Raashinkan ayaa waxaa walaalahooda soo barakacay ugu deeqay qaar ka mid ah Jaaliyaadka dibedda ku nool iyagoo soo marsiiyay Guddiga gurmadka Abaaraha ee Nairobi iyo deeq katimid samafalayaal Carbeed

Intii ay waftigu joogeen Xeryaha ayaa waxay indhahoodu qabanayeen dad aad u liita oo u baahan mucaawino deg deg ah oo dhan walba ah hadey noqon lahayd , Cunto, Dawo iyo qalab Caafimaad, waxbarasho, Hooy, Dhar, Biyo Nadiif ah ,IWM.

Raashinkan ayaa ahaa mid horudhac u ah deeq ballaadhan oo la gaadhsiin doono dhamaan Xeryaha qaxootiga iyo dadka soo barakacay dhowaan , iyadoo ay shixnad ballaadhan soo gaadhi doonto xeryaha Doolloow maalmaha soo socda.

Hay’adda SAAD ayaa qorshe balaadhan u dejisay siday kaalmo bani aadanimo u gaadhsiin lahayd dadka ku tabaaloobay abaaraha adag ee ku habsaday geeska Afrika gaar ahaan dadka qaxootiga ee soo gaadhay xeryaha Doollow Addo .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wafdi ka socda WFP oo maanta Booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla inta u dhaxaysa Muqdisho & Afgooye
  2. Hey’adda Somali Aid And Development (SAAD) oo Mashruuc Ceel qodis ah ka bilowday Magaalada Jigjiga
  3. Wafdi dhakhaatiir ah oo ka socda Sacuudiga oo maanta soo gaarey Muqdisho [SAWIRRO]
  4. hay’adda samafalka ee saad oo bayaan qaylo dhaan ah ka soo saartay abaaraha ka jira s/galbeed
  5. Banaabaxyo Maalintii 4-aad ka Socda Ceelasha Biyaha

Readers Comments (2)

  1. waxaan aad ugu farax sanbahay in ay saad taageero mucaawina ah gaar siiso umada sooo maali yeed eekuhab datay gaajadu hadaanahay bahda reer soomaaligalbeedna waan salaan qaali ah udiraynaa saaaad

  2. maan shaa alaah waxaan aad ugufarax sanahay in ay saad gaadhsiiso mucaawimo dad rafaadsan oo muslimiin ah waanataageersanahay waana soo dhawaynaynaa asc




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi ka socda WFP oo maanta Booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla inta u dhaxaysa Muqdisho & Afgooye
  2. Hey’adda Somali Aid And Development (SAAD) oo Mashruuc Ceel qodis ah ka bilowday Magaalada Jigjiga
  3. Wafdi dhakhaatiir ah oo ka socda Sacuudiga oo maanta soo gaarey Muqdisho [SAWIRRO]
  4. hay’adda samafalka ee saad oo bayaan qaylo dhaan ah ka soo saartay abaaraha ka jira s/galbeed
  5. Banaabaxyo Maalintii 4-aad ka Socda Ceelasha Biyaha

Latest Headlines