Gobolada Soomaaliya oo guud ahaan si weyn looga ciiday maanta

Published on August 30, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Iyadoo maanta oo Talaada ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad ee munaasabadda Ciidul Fidriga ayaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed waxay dadku u ciideen si farxad leh iyadoona jawi nabadeed uu ka jiro dalka guud ahaantiisa.

Gobolada dalka ee saaka looga dareeray ciida waxaa ka mid ah gobolka Banaadir,Waxayna dadweyne kumanaan ah saaka ay ku tukadeen salaada Ciida masaajidada weyn ee magaalada Muqdisho. Waxaana xusid mudan in saaka magaalada ay tahay mid degan oo aysan ka jirin wax dhibaato ah taasoo ah mid Alle looga mahadceliyo.

Sidoo kale gobolada koofurta ee Baay, Bakool, labada Shabeele, Jubooyinka iyo Hiiraan ayaa si weyn looga ciiday iyadoo ay ka jirto nabadgelyo.

Dhanka waqooyi ee gobolada Puntland iyo Somaliland ayey dadweynaha ku nool sidoo kale maanta ku tukadeen salaada Ciida fagaarayaal iyo masaajido, waxaana dhanka kale khudbado kala duwan jeediyey masuuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Muqdisho iyo Gobolada Dalka oo Laga Ciiday
  2. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday
  3. Gobolada W/Galbeed Soomaaliya oo si Midaysan looga Ciiday
  4. Muqdisho oo Si weyn looga Ciiday.
  5. Sidee looga Ciiday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho?

Readers Comments (1)

  1. abdi says:

    waad salaamantihiin hadaad tihiin bahda somalimirror salaam kadib ciid mubaarag ,,,
    wararka aad qoraysaan waa in la arkaa date ka laqoray intaan la akhriyin waad mahadsan tihiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Muqdisho iyo Gobolada Dalka oo Laga Ciiday
  2. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday
  3. Gobolada W/Galbeed Soomaaliya oo si Midaysan looga Ciiday
  4. Muqdisho oo Si weyn looga Ciiday.
  5. Sidee looga Ciiday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho?

Latest Headlines