Xarun lagu quudiyo maalintii in ka badan 500-ruux ee ah dadka tabaaleysan ee Abaaraha oo loogu magac daray ‘ADOON’ ayaa laga hirgeliyay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo xarunta maalintiiba laga bixiyo raashin bisil iyo cabitaan la siiyo dadka danyarta ee ku tabaaloobay abaaraha.
Xaruntan ayaa la furay 1-dii Bishan Ramadaan, iyadoo galbihii la siinayay dadka waxyaabaha ay ku afuraan, sida cabitaano, iyo raashin la kariyay.
Maalintiiba ayaa waxaa lagu kariyaa xaruntan 12-loor oo Bariis ah, Neef Lo’ ah iyo cabitaano, waxaana taasi keentay inay ka faa’ideystaan qoysas dan yar ah oo ka soo barakacay abaaraha dalka ku dhiftay.
Qarashka ku baxa xaruntan Quudinta ah ee laga furay Xamar weyne ayaa waxaa soo dhiibay reer Cali Adoon, iyagoo u soo wakiishay C/ll Jimcaale Gacamey, waxaana dadka loo qeybiyay raashinka ay ka mahad celiyaan deeqdan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxay hoy u noqotay kumanaan qoysas ah oo ka soo cararay abaaraha, waxaana isa soo taraya goobaha lagu quudiyo dadkan iyo xerooyinka kaamamka ee magaalada ku yaal, halkaasoo dadka dibadaha wax ka soo dhiiba deeqo ku gaarsiiya.


Xaruntaan ayaa noqtay midii ugu horeysay oo raashiin bisil si joogto ah loogu qeybiyo qoysaska ku soo tabaaloobay abaarta ka jirta dalka ee soo gaarey magaalada Muqdisho.

Related posts: