Reysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Cabdi Walli Maxamed Cali oo ka warbixiyay safarkii madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya iyo isagaba ay ku tageen magaalada Garowe ee maamulka Puntland iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in lagu guuleystay dhameynta khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo DKMG ah.
.
Reysal wasaaraha DKMG ah Cabdi Walli ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Puntland inay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu horayso xiriirka Dowlada KMG iyo maamulka Puntland isagoo sidoo kale sheegay in laysku raacay in shirka wada tashiga qeybta koowaad lagu qaban doono magaalada Muqdisho qeybta labaadna lagu qabtay magaalada Garoowe.
Cabdi Walli Maxamed Cali Gaas ayaa dhanka kale wax laga weydiiyey waxa keenay in madaxweyne Shariif uu si deg deg ah uu ugu soo laabto magaalada Muqdisho iyo in Reysal wasaaraha Soomaaliya uu ku soo haro magaalada Garoowe waxaana uu sheegay intaasi ay tahay dhameynta Qilaafkii ka dhex taagnaa madaxda KMG iyo maamulka Puntland.
Sidoo kale Cabdi Walli Maxamed Cali ayaa sheegay in inta badan qeyb ahaan lagu guuleystay in la dhameeyo Qilaafkii u dhaxeeyay madaxda dowlada iyo maamulka Puntland
Si kastaba maalintii shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay gaareen magaalada Garoowe islamarkiina ay dib uga soo laabteen magaalada Muqdisho.

Related posts: