Dawlada Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay sare u qaadeyso deeqaha ay ugu talagashay dadka abaaraha ay ku saameeyeen wadanka Soomaaliya taasoo dawlada Iiraan ay u soo marsiineyso Hay’adda Lanqayrta cas ee dalka Iran.
Madaxa hay’adda Pouya Hajian ayaa u sheegay wakaalada wararka Faris in ilaa 40-ton oo ah cuno kala duwan ay keenin doonaan magaaladda muqdisho si loo siiyo dadka gargaarka u baahan ee ku nool Soomaaliya
Iran waxa ay ku celisay in ay diyaar la tahay siddii loo caawin lahaa dadka Soomaalida ee gargaarka u baahan, horrey diyaarado ay cuno ku keentay
Abaarta iyo gaajadda geeska Africa waxa ay saameen weyn ku yeelatay in ka badan 11-8 Million oo qof kuwaas ku nool wadamadda Somalia, Kenya, iyo Ethiopia. Laakin Soomaaliya waa dalka ugu daran abaarta geeska Africa ay ku dhuftay 60-sano ka dib
Sida laga soo xigtay QM qiyaastii 9.9 Milion oo qof ayaa hadda waxa ay yihiin kuwa ku barakacay dalka ama kuwa wadamadda kale qoxooti ku ah.

Related posts: