Xaflad lagu goonsiinayo lacag ay dhar ciideed ku iibsadaan oo 150 agoon loogu qabtay masjidka cumar bin khaddaab ee magaalada qardho

Published on August 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Xaflad si fiican loo soo agaasimay ayaa galabta salaaddii casar ka dib 150 ka mid ah agoonta qardho ku nool loogu qabtay masjidka cumar bin khaddaab ee magaalada qardho.

Xafladdan oo agoonta lagu guddoonsiinayay lacag loogu talo galay in dhar iideed loogu iibiyo, waxaa furay sh. Cali maxamad cali oo hordhac kooban ka bixiyay xafladda wuxuuna codbaahiyaha ku soo dhoweeyay sh. Daahir aw cabdi si u soo jeediyo kalmad la xiriirta munaasabadda.

 

Ka dib waxaa hadalka qaatay sh. Daahir ow cabdi wuxuuna sheekhu tilmaamay in mujtamaca muslimka ah loogu talo galay in aanu dabaqaad noqonin ee wax la wadaago, howshan oo kalena waa howshii ay qaban laheyd dowladda islaamiga ah ayuu sheekhu yiri, Qofka agoonka kafaalo qaadana nabigu wuu ammaanay wuxuuna yiri  أنا وكافل اليتيم كهاتين  waxaa waliba intaas sii dheer in ay danbi weyn tahay inaan miskiinka iyo agoonka la isku boorrinin in wax la taro sida uu ilaahay yidhi :كلا بل لا تكرمون اليتيم ولا تحاضون على طعام المسكين .

Waxaa kale oo uu sheekhu yiri:Munaasabaddani waa munaasabad weyn waxaana loo baahanyahay in muslimiintu intan in ka badan ay qabtaan, carruurta agoonta ah wiilal iyo gabdhaba muslimiintu waa inay xilkooda qaadaan agoontana waxaan u sheegeynaa in haddii ay aabayaashood weeyaan ay mujtamaca ku jiraan dad idiin xil haya oo idinka masuul ah ayuu sheekhu yiri.

Dadkii howshan wax ku bixiyay iyo intii soo abaabushayba ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu dadaalkooda iyo maalkooda iyo ehelkoodaba u barakeeyo.

Gabagabadii sheekhu wuxuu bulshada muslimka ah ku boorriyay in rag iyo dumarba ay wax baxsadaan.

Ka dib waxaa madasha ka hadlay Sh. Fu’aad maxamuud x. nuur oo isagu abaabulay mashruucan agoonta lagu arradbixinayo maalinta ciidda , wuxuuna tilmaamay in howshan maanta qabsoontay ay aheyd mid ku habboon in mar horeba loo istaago oo wax laga qabto.

In agoonta la caawiyo oo wax la tarona waxaa ammaan ugu filan in nabigu oo tilmaamay in qofka agoonka kafaalo qaada iyo isagu ay qiyaamaha isu jirayaan inta farta dhexe iyo murdisadu isu jiraan.

Wuxuu sheekhu sheegay in qorshahu markii hore uu ahaa in boqol agoon dharka ciidda loo iibiyo hase yeeshee waxaa ilaahay mahaddii suura gashay in maanta boqol iyo kontan agoon halkan lagu ciidsiinayo ayuu yiri sheekhu.

sidoo kale wuxuu mashruucani ka hirgalay ayuu sheekhu yiri magaalada garoowe oo maanta xilligan oo kale masjidka alhudaa agoon gaareysa 137 agoon loogu qaybinayo lagatii ay dharka ciidda ku iibsan lahaayeen.

Sheekhu wuxuu aad ugu duceeyay dadkii mashruucan wax ku bixiyay  iyo kuwii siyaabo kale uga qaybqaatayba wuxuuna sheegay in ciidaha soo socda dadaalka la labalaabi doono ilaahay idankii.

Ugu danbayntii wuxuu  sheekhu sheegay in agoonta lagu soo xulay baahida, qoys walbana laga soo dooray ha lagoon oo wiil ama gabar ah wuxuuna sheekhu sheegay in agoonta magaalada qardho ku nool ah aad uga badantahay inta manta fursaddan ka faa’iideysaneysa.

Sh. Maxamad m. ismaaciil  ayaa isna madasha ka hadlay wuxuuna sheegay in sdia sh. Fu’aad horay u tibaxay ay agoonta magaalada joogta inta manta fursadda heshay ay aad uga badanyihiin hase yeeshee dadaalkii la sameeyay uu ku fillaaday 150 agoon oo kaliya.

Ka dibna wuxuu sheekhu billaabay yeerinta magacyada agoonta iyada oo agoon walba la guddoonsiinayay baqshad ay ku jirto 30 doollar oo loogu talo galay in agoonka dharka ciidda loogu iibiyo.

Mashruucan oo si weyn agoonta, waalidkood,dadkii wax ku bixiyay iyo intii goobjoogga ka aheydba ka farxiyay waxaa hindisihiisa iyo abuulkiisaba billaabay sh. Fu’aad maxamuud x. nuur oo isagu masjidka cumar bin khaddaab maalmihii tagay ka yaboohiyay lacagaha agoonta loogu tabarrucay.

Sidoo kale wuxuu sheekhu tabarrucaadkan oo kale ka ururiyay masjidka al-huda ee magaalada garoowe ,wuxuuna sidoo kale xiir la sameeyay qaar ka mid ah ducaadda iyo culimada jooga qaybo ka mid ah magaalooyinka soomaaliya nasiib wanaagse waxaa xilligan hir galay qardho iyo garoowe kaliya.

Mashruucan agoonta lagaga farxinayo oo runtii ah baahi  aad  loo wada dareemayo waxaa muuqata in dadweynuhu ay diyaar u yihiin inay wax ku bixiyaan waxaanse hadda ka hor la helin cid isu taagta, waxaana mashruucani uu u baahanyahay sida muuqata guddi joogto ah ama jamciyad deegaan walba ka howlgasha oo si guud baahiyaha agoonta wax uga qabta gaar ahaanna farxadda ciidaha agoonta u abaabula dad weynuhuna ay ku soo hagaajiyaan tabarrucaadka ay agoonta ugu talo galaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nadwo Cilmiyeedii Lixaad ee lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qardho oo caawa la soo gaba gabeeyay
  2. Jaaliyada Soomaaliyeed ee Korsør ee Dalka Demark oo lacag ugu deeqday Agoon.
  3. Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa loogu yaboohay Lacag ka badan 80 kun oo Dollar
  4. Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho
  5. Nadwo Cilmiyeedkii 6-aad oo lagu wado in caawa ay ka bilaabato Masjidka Cumar Bin Khadab ee M. Qardho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nadwo Cilmiyeedii Lixaad ee lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qardho oo caawa la soo gaba gabeeyay
  2. Jaaliyada Soomaaliyeed ee Korsør ee Dalka Demark oo lacag ugu deeqday Agoon.
  3. Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa loogu yaboohay Lacag ka badan 80 kun oo Dollar
  4. Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho
  5. Nadwo Cilmiyeedkii 6-aad oo lagu wado in caawa ay ka bilaabato Masjidka Cumar Bin Khadab ee M. Qardho

Latest Headlines