Qaarada Afrika oo ka mid ah shanta qaaradood ee adduunka waxaa ka jirra jaamacado badan waxaana sanadkaan loo qabtan tartan ku aadan sida jaamadacaha ay u kala hooreeyaa qaarada Afrika iyado jaamacada Muqdisho oo ka socotay Soomaaliya ay ku guuleysatay ka mid noqoshada soddonka jaamacadood ee ugu horeeya qaaradda.
Jaamacada Muqdisho waxay ka mid tahay jaamacadaha ku yaala dalkeena Somalia waxaana ay jaamacadaasi ay noqotay 30 ka Jaamacadood ee ugu horeeya Qaarada Africa.
Muqdisho University waxaa la aasaasay Sanadkii 1997 waxaana xarumo kala duwan ay ku leedahay magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Somalia sida Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
Dr Cali Sheikh Axmed Abuukar Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho oo maanta ka hadlay xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacaday magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in jaamacada Muqdisho ay noqotay jaamacada 29 -aad ee ugu wanaagsan Qaarada Afrika.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaan ay suurto gal ay ka dhigtay ka dib markii la arkay waxqabadka jaamacada Muqdisho isagoo intaasi in jaamacada ay sii wadi tayeynta waxbarashada ardada Somaliyed.
Dr Cali Sheikh Axmed Abuukar ayaa dhanka kale baaq cod dheer u jeediyay aqoonyanahada Soomaaliyed ee ku sugan dalka Dibadiisa si ay wax ugu qabtaan shacabka Somaliyed ee ku dhibaataysan magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka.
“Waxaa sharaf weyn ah ruun ahaan in 1000 jaamacadood oo ku yaala qaarada Africa inay jaamacada ay ka noqoto numbarka 29 ee ugu wanaagsan waa arin lagu farxo waxaa la rabaa markii umadda wax micno leh usoo hoydaan in dadaalka la sii wado”sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho.
Dhanka kale waxa uu gudoomiyaha ka dhawaajiyay in jaamacada Muqdisho ay weyb weyn ka qaadatay ugurmashada dadka dhibaataysan ee ku sugan Muqdisho iyo nawaaxigeda.
“Dhaqaatiirka Banaanka Joogto waxaan kula dardaarmayaa inay dalka kusoo laabtaan maxaa yeelay halkaan ayaa looga baahan yahay,meshaan ruuxa ay dilayso Biyo qalad ayuu cabay.canjeeroo si qalad u cunay,inyaroo sokor ayaa haysaa intaasi ayaa dilli marka halkaan ayaa looga baahan yahay”ayuu sii raaciyay Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho.
Si kastaba waa markii ugu horaysay oo tartan loo qabtay Jaamacadaha ku yaala qaarada Afrika ay kaalinta 29 ay ka gasho jaamacada Muqdisho.

Related posts:
Puntland wax la yiraahda ma jiraan ee dadka ha jiha wareerinina, qolo qoleysiga iyo qabiilkana ma wanaagsana in aad soo galisaan qoraalada wax barashada, jaamacada boosaaso ayay lan ka furatay waala fahmi karaa.
Waxaa derjada 29aad galay waa WEBSITE-ka Jaamacadda Muqdisho sida ay sheegeen nimanka bixiyey darajada.
Maaha in khayaal lagu noolaado bal qof walbow akhri habka loo bixiyey darajada waxa miisaanka la saaray.
Dr. Cali Dheere waxaa laga rajaynayaa inuu ammaanada cilmiga ilaaliyo oo wax walba sida ay yihiin u sheego aanuna noqon opportunist
Alxamdulilaahy
waa wax lagu farxo jaamacadeenii in ay door wanaagsan ka gashay kuwa Africa.
waxaana leeyahay walaalaha hawsha wada ka daalinna dadaaalkaas aad soo wadeen
Ilaahyna ha idin ku guuleeyo wixii wanaag ah ba oo dhan.
wabi laahi tawfiiq