Ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada DKMG Soomaaliya ayay war ka soo saareen dhamaan isbaarooyinka yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee mooryaantu lacagaha ku qaadato.
War saxaafadeed ay soo saareen golaha wasiirada ka dib shirkooda ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa:
1- in aan marnaba la aqbali karin Isbaaro, lana amray in dhammaan Isbaarooyinka magaalada laga wada qaado. Cidii Isbaaro dhigatana la horgeeyo maxkamadda ciidamada.
2-In guddiga Amniga ay ka soo talo bixiyaan sidii si deg-deg ah loogu furi lahaa dhammaan jidadka magaalada iyo Suuqyada sida suuqa Bakaaraha.
3-In la xoojiyo ciidamada roondooyinka ah, oo aan la oggolaan cid hub ku dhex sidata magaalada gudaheeda.
4-In dhammaan dhismayaasha iyo goobaha dowladda aan loo oggolaan in shacabku dego, si ay hay’adaha dowladdu dib uga howlgalaan goobahaas.
Sidoo kale waxay guddiga ka hadleen arimaha xuquuqul insaanka iyagoo sheegay in warbixin ay ka soo saari doonaan waqti dhow.
Waa markii ugu horeysay oo golaha wasiirada DKMG ah ay ka hadlaan isbaarooyinka yaalla magaalada Muqdisho iyadoo tobaneeyo isbaaro ay u yaalaan mooryaan hubeysan oo dharka tuutaha dawlada xiran ay ku qaataan lacago baad ah.

Related posts: