Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan Dr. Ali Akbar Saalixi iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay yabooh lacageed oo dhan 25 milyan oo doolar oo ay dawlada Iiraan siineyso Soomaalida.
Wasiirka ayaa markii uu ka soo degay garoonka waxaa loo gudbiyay xeryaha barakacayaasha isagoo soo kormeeray indhihiisana ku arkay baaxada abaarta iyo macluusha ka jirta dalka, gaar ahaana dadka ku soo barakacay caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalkal KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ayaa ugu dambeyntiina qaabilay Wasiirka Dr. Cali Akbar Saalixi waxayna labada mas’uul wada qaateen kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo soconayay muddo saacado ah.
Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si wadajir ah warabaahinta ugula hadlay gudaha garoonka Muqdisho iyagoo sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan abaaraha, macluusha iyo soo celinta nabadii iyo kala dambeyntii dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay dowladdiisu ugu talo gashay 25 Milyan oo Dollar oo loogu talogalay in lagula tacaalo abaaraha “Abaarta Soomaaliya baaxadeeda aad ayay u sareysaa, dowladda iyo shacabka Iiraana waxay ugu yabooheen 25 Milyan oo Dollar, waxaana sidoo kale ka taageereynaa walaalaha Soomaaliyeed dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha sidii tababaro ay u siin laheyd dowladda Iiraan ciidamada Booliska iyo Taraafikada.
Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cali Akbar Saalixi ayaa ku martiqaaday wafdi ka socda DKMG ah inay dhowaaan booqashoku tegi doonaan jamhuuriyada Iraan.

Related posts: