Mucaaradka Liibya oo Qabsaday magaalada Tripoli

Published on August 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Xoogaga mucaaradka wadanka Liibya ayaa guud ahaan la wareegay magaalada Tripoli ee caasimada wadankaasi iyadoo ciidamadii dawlada Col. Mucamar ay dhamaantood isaga bexeen magaalada.

Wariyal iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ka dib dagaal xoogan oo saacado badan ka socday qeybo ka mid ah magaalada Tripoli in mucaaradka ay la wareegeen qeybo badan oo ka mid ah xarumihii dawlada oo ay ku jirto deegaanka dawlada degan tahay ee Bab alCaziiziya.

Ciidamada dawladii Qadaafi ayaa dib uga gurtay magaalada waxaana markii ugu horeysay dagaalka Tripoli ka socda ka hadlay Col. Qadafi oo sheegay in sababo la xiriira xeelad dagaal ciidamadiisu ay dib uga gurteen magaalada balse wuxuu sheegay inuu dagaalami doono.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradka ay hub ku garaaceen gurigii uu deganaa Qadafi iyo qaar ka mid ah xarumaha dawlada.

Dhanka kale waxaa isaguna meel ka mid ah Tripoli shalay ka soo muuqday wiilka uu dhalay Qadaafi ee Seyful Islaam iyadoo shalay mucaaradka ay sheegteen inay qabteen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  2. Xoogaga mucaaradka Liibya oo qabsaday magaalada Saliida Qaniga ku ah ee Ajdabiya
  3. Taliyihii ciidamada mucaaradka Liibya oo ay rag hubeysan toogteen
  4. Col. Qadafi oo wacad ku maray inuusan weligii ka tegi doonin Liibya
  5. Wafdi ka socda mucaaradka Liibya oo boosho ku tegey wadanka Shiinaha

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  2. Xoogaga mucaaradka Liibya oo qabsaday magaalada Saliida Qaniga ku ah ee Ajdabiya
  3. Taliyihii ciidamada mucaaradka Liibya oo ay rag hubeysan toogteen
  4. Col. Qadafi oo wacad ku maray inuusan weligii ka tegi doonin Liibya
  5. Wafdi ka socda mucaaradka Liibya oo boosho ku tegey wadanka Shiinaha

Latest Headlines