Dawlada Jabuuti oo maanta Muqdisho soo gaarsiisay 40 tone oo daawo ah [SAWIRRO]

Published on August 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Safiirka dawlada Jabuuti u jooga magaalada Muqdisho Dayib Dubbad Rooble ayaa maanta deeq daawo ah oo ka timid dawlada Jabuuti ku wareejiyey raysal wasaaraha DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali.

Deeqdan oo ahayd daawo ayaa gaareysay illaa 40 tone oo isugu jirta noocyada kala duwan ee daawada, waxaana qeyb ka mid ah daawadaasi maanta la gaarsiiyey isbitaalka Martini oo ku yaala degmada Xamarweyne kaasoo ay ku jiraan bukaano iyo naafadii hore ee ciidankii Soomaaliya.

Raysul Wasaaraha DKMG iyo safiirka Jabuuti ayaa booqday isbitaalka iyagoo gaarsiiyey deeqda daawada si isbitaalka hawshiisa loogu sii wado.

Safiirka Jabuuti Dayib Dubbad Rooble ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisho uu soo amray in deeqdan la soo gaarsiiyo isbitaalka Martini, sidaasi darteedna ay fuliyeen amarka.

Dhanka raysal wasaaraha DKMG ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dalka Jabuuti sida ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed waqtigan ay ku jiraan marxalada adag.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Madaxweynaha Jabuuti oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]
  2. Dowlada Jabuuti oo dib u furatay safaaradii ay ku lahayd Muqdisho [SAWIRO]
  3. Safiirka Dowlada Jabuuti oo QM ku eedeyay inay dhibaato ku tahay arimaha Soomaaliya
  4. Safiir cusub oo Hindiya u soo magacwday Soomaaliya oo maanta Muqdisho yimid [SAWIRRO]
  5. Wafdi ka socda dawlada Talyaaniga oo maanta booqday Muqdisho

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madaxweynaha Jabuuti oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]
  2. Dowlada Jabuuti oo dib u furatay safaaradii ay ku lahayd Muqdisho [SAWIRO]
  3. Safiirka Dowlada Jabuuti oo QM ku eedeyay inay dhibaato ku tahay arimaha Soomaaliya
  4. Safiir cusub oo Hindiya u soo magacwday Soomaaliya oo maanta Muqdisho yimid [SAWIRRO]
  5. Wafdi ka socda dawlada Talyaaniga oo maanta booqday Muqdisho

Latest Headlines