Sayful-Islaam qaddaafi oo wali dhex wareegaya Tripoli

Published on August 23, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Aroornimadii saaka oo talaada ah ayaa sida ay ku warrameen wariyeyaal reer galbeed ah waxaa hoteelka ay ka deggan yihiin magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa waxaa yimid Sayful-Islaam Qaddaafi oo ku jira howlgal uu ku dhex marayay magaalada Tripoli.

Shalay ayaa waxay wakaaladaha wararka adduunka baahiyeen in ciidamada kacdoonku ay gacanta ku dhigeen Syaful-Islaam Qaddaafi, isla markaana loo gacangelinayo maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah.

Sayful-Islaam oo ay Aljaziira soo tabisay muuqaalkiisa ayaa yiri: Fallaagadu Waxay jabiyeen lafdhabartii, kuwaas oo uu ula jeedo ciidamada kacdoonka ee kasoo horjeeda maamulka Qaddaafi, isagoo intaa raaciyay in waxa ay tabinayaan wakaaladaha wararka ee reer Galbeedku ay yihiin wax kama jiraan, isla markaana uu diyaar u yahay in uu booqdo goobaha lagu sheegay in ay ka jiraan iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada difaaca Qaddaafi iyo kuwa kacdoonka.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Qaddaafi ayaa u muuqda mid ku jira saacadihiisi ugu dambeeyay, kadib markii ay ciidamada kacdoonka ku guuleysteen in ay kaga adkaadaan dhammaan goobihii ay horay isaga hor yimaadeen, haatanna uu dagaalku ka socdo qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Wixi isbedel ah ee kasoo kordha kala soco somalimirror.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  2. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  3. Xisbul Islaam oo beeniyay dhex dhexaadin Iyaga & DKMG ah laga dhex wado.
  4. C/qaasin Salaad oo dhex dhexaadinaya DKMG ah & Xisbul Islaam.
  5. Kulan Nabadeed oo dhex marey Xizbul Islaam & Odayaal Dhaqan.

Readers Comments (1)

  1. A.fatax says:

    Asc. Sayftisu ma islaamkaa lagu halaaga il adagaa, wadadii sadaam ayaad ku socotaan dulli




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  2. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  3. Xisbul Islaam oo beeniyay dhex dhexaadin Iyaga & DKMG ah laga dhex wado.
  4. C/qaasin Salaad oo dhex dhexaadinaya DKMG ah & Xisbul Islaam.
  5. Kulan Nabadeed oo dhex marey Xizbul Islaam & Odayaal Dhaqan.

Latest Headlines