Gudoomiyhii deegaanka Israac ee Gaalkacyo oo xalay la dilay

Published on August 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa xalay maqribkii magaalada Gaalkacyo lagu dilay Allah h a u naxariistee gudoomiyihii xafada Israac oo ka tirsan waqoooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Axmed Cilmi Cismaan oo ku magac dheeraa Gaatax.

Dilka Gudoomiyihii xaafada Israac ayaa waxaa la sheegay in uu geystay nin ku hubeysan hubka fudud, waxaana durbadiiba uu ka baxsaday halka uu falka dilka ah ka geystay.

Marxuum Axmed Gaatax ayaa xilliga la dilayey wuxuu ka soo baxay masjid xaafadiisa ka agdhow oo uu salaada maqrib ku soo tukaday wuxuuna u soo dhaqaaqay dhinaca xaafadiisa si uu uga afuro, iyadoo gurigiisa hortiisa lagu toogtay.

Marxuumka ayaa meydkiisa maanta lagu aasayaa magaalada Gaalkacyo, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kuwa amniga oo ku aadan dilkan.

Ciidamada booliska Gaalkacyo ayaa la sheegay inay xalay baaris ka wadeen qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo laakiin lama sheegin wax dad ah oo ay xireen.

Dilka marxuum Axmed Gaatax ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa dilal fara badan oo dad kala duwan lagu laayey oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaasoo mudo dheer socda dadkuna ay la yaaban yihiin asbaabaha ka danbeeya.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
  2. Gudoomiyihii hore ee deegaanka Gallaadi oo xaley lagu Diley Gaalkacyo
  3. Gudoomiyihii hore ee maxkamada Rafcaanka Mudug oo xaley lagu dilay Gaalkacyo
  4. Dilal ka dhacay Xalay Magaalada Gaalkacyo
  5. Nabadoon caan ahaa oo xaley lagu dilay magalada Gaalkacyo

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
  2. Gudoomiyihii hore ee deegaanka Gallaadi oo xaley lagu Diley Gaalkacyo
  3. Gudoomiyihii hore ee maxkamada Rafcaanka Mudug oo xaley lagu dilay Gaalkacyo
  4. Dilal ka dhacay Xalay Magaalada Gaalkacyo
  5. Nabadoon caan ahaa oo xaley lagu dilay magalada Gaalkacyo

Latest Headlines