Faahfaahin ku saabsan markab xoolo siday oo ku gubtay xeebaha Boosaaso

Published on August 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa markab xoolo ka qaaday dekeda magaalada Boosaaso una kireysnaa ganacsato Soomaali ah kaasoo ku gubtay meel illaa 3 mayl u jirta dekeda Boosaaso.

Agaasimaha guud wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland C/majiid Samatar oo ka warbixiyey markabka xalay ayaa sheegay in sababta uu u gubtay markabka ay tahay dab ka kacay qeybaha hoose ee matoorada markabka isla markaana dabka uu si deg deg ah ugu fiday markabka oo dhan.

Markabka ayaa siday xoolo aad u tiro badan oo isugu jiray Lo’ iyo Ari kuwaasoo qiyaas laga heyn balse C/Majiid Samatar ayaa sheegay in xoolaha saarnaa markabkan ay baaba’een mana jiraan wax laga badbaadiyey haba yaraatee.

Dhanka kale shaqaalihii saarnaa markabka oo gaarayey 13 ruux ayaa la sheegay in qaarkood la keenay magaalada Boosaaso balse waxaa weli la weysan yahay 3 nin oo la sheegay in markii uu dabku ilowday ay badda isku tuureen.

Ganacsatadii uu u kireysnaa markabkan ayaa la sheegayaa inay iyaguna wadaan xog baaris ku aadan dabka ka kacay markabka iyo shaqaalaha maqan sidii loo heli lahaa.

Labo bilood ka hor ayaa sidan oo kale doon ganacsi oo ku soo jeeday dekeda Boosaaso waxay ku gubatay meel wax yar u jirta dekeda.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab AMISOM u siday Saanad oo Maanta Xayiray Howlaha Dekeda Muqdisho.
  2. Dooni badeeco u siday ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay dekeda Dubai
  3. Doon Ganacsi oo Burcad Badeedu ka Afduubeen Xeebaha Boosaaso.
  4. Markab siday dhuxul oo uu dab ku qabsaday Dekeda Muqdisho
  5. Markab lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab AMISOM u siday Saanad oo Maanta Xayiray Howlaha Dekeda Muqdisho.
  2. Dooni badeeco u siday ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay dekeda Dubai
  3. Doon Ganacsi oo Burcad Badeedu ka Afduubeen Xeebaha Boosaaso.
  4. Markab siday dhuxul oo uu dab ku qabsaday Dekeda Muqdisho
  5. Markab lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya.

Latest Headlines