Diyaarad yar oo ay leeyihiin sirdoonka Amerikanka oo soo dhacday ayaa weli laga dhex raadinayaa xaafadaha Muqdisho

Published on August 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa maalintii saddexaad xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya laga dhex baadi goobayaa diyaarad yar oo nooca wax basaasa ah taasoo ay lahaayeen sirdoonka Amerikaanka.

Diyaaradan oo ah nooca la yiraahdo Drone ayaa maalintii Jimcihii ku soo dul dhacday meel ka mid ah xaafadaha ku yaala dhanka koofureed ee magaalada Muqdisho oo ah meelaha ay ka taliso DFKMG ah, waxaana la waayey halka ay ku danbeysay diyaarada oo iyadu awalba lahayn wax duuliye ah balse ay hagayeen qalab kombuyuutaro ah.

Warar laga heley xubno sirdoonka DKMG ah ayaa ku waramay in diyaarada ay ku dhacday meel u dhow xaafada Soobe oo ka tirsan degmada Hodan balse la garan waayey halka ay ku danbeyeen wararka diyaaradan yar oo sida la sheegay basaas u ahayd sirdonka Amerikaankaee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidanka AMISOM oo ah ciidan mushahar ka qaata Amerikaanka ayaa warbaahinta reer galbeedka wuxuu u sheegay inay weli baaris ku hayaan sidii ay u soo heli lahaayeen burburka diyaaradan yar ama wax ka mid ah xogta ku saabsan diyaarada, wuxuuna ninkaasi ka tirsan AMISOM uu sheegay iny ka baqayaan in diyaarada iyo wixii qalab ee ay sday ay qaateen dad Soomaali ah oo ay qarsadeen maadaama diyaaradu ay tahay in ka yar 2 mitir dherer ahaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo yeeray dhanka dawlada Mareykanka oo la xiriira diyaaradan uga dhacday Muqdisho, waxayna dhictaanka diyaaradan yar ku soo beegantey xili caasimada Muqdisho ay booqashooyin ku soo gaareen raysal wasaaraha Turkiga Erdugan iyo madaxweyne Geelaha Jabuuti.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Diyaarad laga soo riday ciidamada Mucamar Qadafi oo ku soo dhacday Benghazi [SAWIRRO]
  2. Diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya oo ku dhacday Magaalada Huluuqa
  3. Diyaarad ku dhacday G/Sh.Hoose
  4. Madaafiic ku soo dhacday Xaafadaha la dariska Suuqa Baraakara oo khasaare dhaliyay
  5. Diyaarad nooca Basaaska ah oo ku soo dhacdey Baydhabo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Diyaarad laga soo riday ciidamada Mucamar Qadafi oo ku soo dhacday Benghazi [SAWIRRO]
  2. Diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya oo ku dhacday Magaalada Huluuqa
  3. Diyaarad ku dhacday G/Sh.Hoose
  4. Madaafiic ku soo dhacday Xaafadaha la dariska Suuqa Baraakara oo khasaare dhaliyay
  5. Diyaarad nooca Basaaska ah oo ku soo dhacdey Baydhabo.

Latest Headlines