Ban Ki Moon: Bashaar Al-Asad ballantii uu qaaday waa ka baxay

Published on August 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Arbacadii lasoo dhaafay oo haatan laga joogo muddo usbuuc ah ayuu madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad telefoon uu kula hadlay xoghayaha qaramada midoobay Ban ki Moon ugu ballanqaaday in uu ciidamadiisa ka joojinayo xasuuqa ay ku hayaan dibadbaxayaasha kasoo horjeeda nidaamkiisa. hase yeeshee ciidamada milateriga Suuriya ayaa si aan kala go’ laheyn usii watay weerarka iyo xasuuqa ay ku hayaan dibadbaxayaasha sida nabadgelyada ah ku doonaya in uu Suuriya ka dhaco is bedel siyaasadeed. Ciidamada ayaa si aan kala go’ laheyn u bartilmaameedsanayay dadka rayidka ah ee dibadbaxa sameynaya iyagoo maalin walba leynayay darsinno dad ah.

Ban Ki Moon ayaa saaka ku eedeeyay madaxweynaha dalka suuriya ballanfuryo iyo in uusan oofin ballantii uu horay ugu qaaday in ciidamadiisu joojinayaan cabburinta dibedbaxayaasha.

Ban Ki Moon ayaa yiri: Asad ma oofin ballantii uu qaaday ee ku saabsaneyd in uu cabburinta ka daayo shacabkiisa, taasoo ah arrin dhib ah.

Waxaa iyagana dhaliil usoo jeediyay hoggaanka Suuriya hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda bani aadamka, kuna baaqay in cadaadis adag la saaro taliska Suuriya si uu u joojiyo leynta shacabka. Warbixin laga jeediyay shir degdeg ah oo ay hay’addu ka qaadatay Suuriya ayaa lagu sheegay in laga soo bilaa xilligii uu kacdoonku ka bilowday dalka Suuriya ilaa iyo haatan ay dalka Suuriya ka jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul-insaanka, taas oo tibaaxday in lagasoo bilaabo bishii Maarso ilaa iyo hadda ay ciidamada dalka Suuriya dileen 2200 kamid ah shacabka mudaaharaadaya, halka 350 dadkaas kamid ah la dilay bishan intii lagu jiray bishan Ramadaan.

Warbixinta ayaa xustay in xajmiga xadgudubka ee heerkaa gaaray uu yahay mid gaarsiisnaan kara faldambiyeed liddi ku ah xuquuqul-insaanka.

Dhinaca kale waxaa la kulan la isugu yeeray 24 dowladood oo ka tirsan golaha si ay uga wada xaajoodaan arrinta mushkiladda Suuriya, dowladahaas oo afar kamid ah ay yihiin kuwo carbeed kalana ah: Sacuudi, Kuwayt, Qadar iyo Urdun.

Waxaa la filayaa in kulanka uu kasoo baxo go’aan lagu amrayo maamulka Asad in uu si degdeg ah u joojiyo ku xadgudubka shacaba reer Suuriya.

Goaankaas wixi ka dambeeya ayaa laga yaabaa in maamulka Suuriya lagu ashtakeeyo maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah maadaama ay hay’addu caddeysay in uu Suuriya ka dhacay faldambiyeed heerkiisu gaarsiisan yahay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ban Ki-Moon oo u Tahniyadeeyay Sh Shariif
  2. Ban-Ki Moon: Xilligan Kuma Haboona in Soomaaliya loo Diro Nabad Ilaaliyaal Caalami ah.
  3. Ban Ki-moon oo Taageero Deg-dega DKMG ah u dalbey.
  4. Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo baxay Shirka Jabuuti
  5. Dadkii Dhaawacyada Culus ka soo gaareen Qaraxii Muqdisho oo Dibada loo qaaday.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ban Ki-Moon oo u Tahniyadeeyay Sh Shariif
  2. Ban-Ki Moon: Xilligan Kuma Haboona in Soomaaliya loo Diro Nabad Ilaaliyaal Caalami ah.
  3. Ban Ki-moon oo Taageero Deg-dega DKMG ah u dalbey.
  4. Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo baxay Shirka Jabuuti
  5. Dadkii Dhaawacyada Culus ka soo gaareen Qaraxii Muqdisho oo Dibada loo qaaday.

Latest Headlines