Warbixin: Ciidamo calooshood u shaqeystayaal reer galbeed ah ayaa shabaab kula dagaallamay luuq-luuqyada Muqdisho

Published on August 17, 2011 by   ·   13 Comments   ·   print

Tan iyo intii ciidamada xarakada Alshabaab ay ku dhawaaqeen in ay ka baxeen aagaggii ay difaaca ku horfadhiyeen ciidamada amisom gudaha magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta reer galbeedku waxay qaadaa dhigayayeen sababaha keenay dib u gurashadaas iyo tallaabooyinka xigi kara mustaqbalka tallaabaqaadkaas xarakadu ay ku tallaabsatay arinkaas.

Hadaba somalimirror oo u kuurgashay waxa ay warbaahinta caalamku ka qortay Soomaaliya usbuucii tagay ayaa soo ururisay xogtan.

Ciidamada ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, siiyana ciidamada Amisom adeegyada isugu jira talabixinta iyo tababarka  waxaa ka mid ah Jeneraal ciidamada badda Ingiriiska ah, askari Faransiis ah oo ka qeybqaatay afgambi lagu sameeyay jaziiradda Komoros muddo haatan laga joogo 16 sano iyo khabiir u dhashay dalka Denmark oo bartay cilmiga siyaasadda, waxaa sidaa ku bilaabatay warbixin uu diyariyay wargeyska Intersol ee kasoo baxa dalka Denmark.

Wakaaladda warbaahinta ee ”Associated press” AP qormo ay dhowaan faafisay ayaa tibaaxeysa in la taliyeyaal ka tirsan hey’adda Bancroft Global Development  in ay hagaan ciidamada Amisom ee ku jira jiidda hore ee dagaalka magaalada Muqdisho, iyagoo gacan ka siiya sida loo furfuro bambo qarxi laheyd oo ay Alshabaab ka tageen.

Sidaa waxaa 11kii Agoosto 2011 tilmaantay Kathrine Houreld oo u shaqeysa isla wakaaladda wararka ee ”Associated press”. Qaar ka mid ah calooshood u shaqeystayaashaas waxay ka tirsan yihiin hay’adaha amniga ee ku howlgala maalgelinta Mareykanka iyo qalabka qarammada midoobay, si ay  uga qeybqaataan howlgallada dagaal ee ciidamada Afrikaanku (Amisom) Soomaaliya ka wadaan.

Shaqada dhabta ah ee calooshood u shaqeystayaashu waa talo bixin, hase yeeshee kaalinta ugu qeyn ee ay buuxiyaan waxa ay tahay in ay ciidamda Afrikaanka u raacaan jiidda hore ee dagaalka.

Jiidda hore ee dagaalka oo ah jidadka Muqdisho ee ay ku diriraan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom iyo maleeshiyaadka Alshabaab, waxaa ciidamada Amisom ka feer-dagaallama koox talabixiyeyaal ah oo laga maamulo dhanka dowladda Maraykanka, kuwaas oo ah dad horay milateri usoo ahaan jiray. Waa rag aan warbaahinta aad looga aqoon, hase yeeshee furayaal u ah dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab.

Kathrine Houreld waxay ku adkeysaneysaa in Bancroft ay aasaaseen qaramada midoobay iyo wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, iyada oo hay’addaas uu madax ka yahay nin dhalashadiisu tahay Maraykan, laguna magacaabo Michael C. Stock oo marar aad dhif u ah yimaada Somaaliya, maadaama uu aaminsan yahay in aysan fikrad wanaagsan aheyn in qof Mareykan ah uu ka shaqeeyo Soomaaliya.

Michael aad ayuu uga soo horjeedaa in hay’addiisa lagu magacaabo calooshood u shaqeysatayaal, wuxuuna door-bidaa in loo aqoonsado in hay’addiisu  tahay NGO, hay’ad aanan wax ciidan iyo dowlad ku lug leh shaqo ku laheyn,  una howlgasha arrimaha bani-aadamnimada iyo xasilinta Soomaaliya oo ku jirta dagaal sokeeye muddo gaareysa 20 sano, dagaalladaas oo ay xigeen abaaro dalku uu ku jiro oo sababay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay ku naf waayaan 29000 oo ilmood gaajo aawadeed.

Sida la og yahay hay’adda Michael ayaa ah hay’ad ku howlgasha gunno lagu siiyo howlaha ay heyso, iyadoo sida Stock laga hayo ay soo gashay lacag dhan $12,5 milyan oo doollarka maraykanka ah, laga soo bilaabo 2008dii xilligaas oo ay bilowday tababaridda ciidama Amisom, halka dhaqaale kale oo aan la caddeyna ay ka hesho hay’adda qaramada midoobay.

Sida uu qoray wargeyska New York Times nin lagu magacaabo “Richard Rouget”  dhalashadiisuna tahay Faransiis, ayaa ah  ninka hoggaamiya ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee hey’adda Bancroft.

Sida ay qortay AP, Richard Rouget ayaa ah nin aad u cabba sigaarka midabkiisu yahay dugulka ee loo yaqaan “Sigaar”, khamriga wiskiga ahna aad u cabba, allifa gabayada, horayna u ahaan jiray ugaarsade duurjoogta waaweyn, wajigana ku leh summadda dhaawac dheer  oo sanadkii lasoo dhaafay kusoo gaaray Soomaaliya, horaanna uga qeybqaatay afgambi ka dhacay Komooroos, haatanna ah gacanta midig ee Bob Denard oo ah calooshii u shaqeyste weyn oo Faransiis ah ayaa beryihii lasoo dhaafay ku jiray dagaallo dhex maray Amisom iyo Alshabaab.

New York Times ayaa iyaduna raacisay in Rouget uu yahay 51 jir dagaal galiya ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah. Richard wuxuu sidoo kale taliye u ahaan jiray ciidamadii ajnabiga  ahaa xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Ivory Coast sanadkii 2003da, iyadoo markii dambe maxkamad ku taal Southafrica ay ku ku eedeysay in uu iibiyey hubkii ciidanka uu u talinayay.

Michael Stock ayaa qirtay in hay’addiisu ay macluumaadka is dhaafsadaan wakaaladda sirdoonka ee mareykanka ee FBI, isagoo sheegay in ay DNA ka qaadaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee ay dilaan, kuwaas buu yiri oo mararka qaar laga dhex helo DNA-da  Soomaali deggeneyd dalka mareykanka oo dagaalka ka qeybgashay.

Bancroft ayaa ciidamada Amisom si toos ah u dagaal gelisa iyadoo tusta sida loogu dhex dagaallamo magaalo gudaheed iyo sida loo kala furfuro bambaanooyinka, miinooyinka iyo walxaha la midka ah ee qarxa.

Bancroft ayaa ku andacooneysa in shaqadooda tahay in la baadi doono meelaha ay ku aasan yihiin walxaha qarxa, la helo, lana waxyeello tiro, arrintaas oo ah bey tiri, howl macno weyn ku fadhida, maxaa yeelay intii aan howshaa heynay oo haatan sanad gaaraysa, Amisom hal askari macaa kagama dhiman bambaanooyinka waddada geeskeeda lagu aaso.

Taa bedelkeeda ragga ninka reer Holland ee lagu magacaabo Van Blerk ayaa aad u walwalay, kadib markii juun-ti lasoo dhaafay ay heleen qeybo kamid ah garneyl lidka taangiyada ah, kaasoo awood u leh in uu ka dhex duso baabuurta gaashaaman. Rasaasta ceynkan ah abidkeed horay looguma isticmaalin magaalada Muqdisho, ugu yaraan lama isticmaalin wixi ka horreeyay kacdoonkii shacabka ay 2007dii ku qaadeen ciidamadii gumeysiga Itoobiya.

Hay’adda Bancroft ayaa aaminsan in rasaastaas la helay ay astaan u tahay in islaamiyiin shisheeya ah sida Alqaacida ayAlshabaab ku tababaraan rasaastan oo ah noocyada lagu isitcmaalay Afgaanistaan.

Qoraalka New York Times ayaa tibaaxay in Kongress-ka mareykanka uu ogolaaday 45 milyan oo dollar oo dheeri ah in loo diro geeska Afrika  si loogu xoojiyo Amisom. Sidaa si lamid ah ayaa New York Times waxay xustay in hay’adaha amniga ee mareykanka (waa calooshood u shaqeystayaahee) ee ka shaqeeya Soomaaliya, laguna naaneyso ciidamada “Aqalka cas” oo loola jeedo daar ku taalla marka la dhaafo garoonka diyaaradaha ee aadan-Cadde loona socdo dhanka Jaziiral, agagaaraha Xalane iyo Aljazeera oo midabkeedu yahay “Pink” halkaas oo ay joogaan ciidamo aan tiradooda la aqoon oo sheegta  in ay caawiyaan dowladda ku meel gaarka ah iyo in ay gacanta ku dhigaan dagaalyahannada shisheeye ee laga yaabo in ay ka tirsan yihiin Alqaacida.

Adeegsashada hay’ado amni oo aan ciidan dowladeed aheyn asii lacag ku shaqeeya, ciidamo lasoo kireeyay, qabqablayaal maxalli ah oo calooshooda u nool, iyo qandaraaslayaal dagaallada ka macaasha ayaa ah xeeladaha cusub ee uu mareykanku lasoo baxay tan iyo intii uu ku dhawaaqay la dagaallanka waxa uu ugu yeero argagixisada, xeeladdaas oo ah mid u meel martay mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka meelaha ay dagaallada kaga jiraan.

Wargeyska Intersol ayaa isagana tibaaxaya in ay argagax ku abuurtay dowladda ku meelgaarka ah iyo Amisom in dagaalladii u dambeeyay qaarkood ay ka qeybqaateen maleeshiyaad beeleedyo kasoo horjeeda dowladda. Somaalida inteeda badan ma jecla dowladda musuqa ee ay ku adeegtaan shisheeyaha, taasoo mahad ballaaran uga heysta dowladnimadeeda awoodo shisheeye, xagna ay ka tirsan yihiin dagaal oogayaashii shacabku nacay ee u gogol xaaray in dalku xasili waayo.

Dhanka kale ciidamada Alshabaab ayaa u ku cilladeeyay ka bixitaankii ay kabexeen jiidaha hore ee aagaggii ay horay uga fadhiyeen magaalada Muqdisho in ay aheyd in dagaalka ay soo galeen ciidamo shisheeye oo reer galbeed ah sidaa daraadeedna ay uga tageen magaalada, maadaama aysan caabbin Karin, kaas oo muujinaya in markii ay magaalada ku hubsadeen gacanta cadow aysan ka difaaci karin in ay dagaalkii dib uga gurteen.

Sidoo kale Inersol ayaa Amisom lafteeda ku sheegtay in ay yihiin ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah, oo joogistooda iyo jiritaankooda uga mahadinaya Mareykan, Yurub iyo awoodda reer galbeedka. Mushaaraadka la siiyo ciidamada Amisom iyo kharajaadka lagu sooryeeyo dowladaha ay ciidamadu ka joogaan Somaaliya, sida Uganda iyo Burundi ayaa ah lacag inteeda badan deyn ku ah Soomaaliya ayna amaahinteeda iska kaashadaan dowladaha reer galbeedka, sababtuna waxay tahay in Maraykan iyo Yurub toona aysan dooneyn in ay ciidamo ay leeyihiin haatan Soomaaliya  ka howlgaliyaan, hase yeeshee ay wixii dhaqaale ah ku kaalmeyaan ciidamada afrikaanka ah, dhaqaalahaasna lagu dallici doono Soomaaliya, ama si dadban looga ceshan doono.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogo ciidamo iyo hay’ado shisheeye oo aan tiradooda iyo danta ay u joogaan cidina ogeyn, kuwaasoo uu kal hore ka cawday duqa gobolka Banaadir Tarsan, kuna baaqay in ay isa soo diiwaan geliyaan.

2008dii ayaa ah sanad ay dalka usoo qalab qaateen hay’ado badan oo calooshood u shaqeystayaal ah, ayna ka mid tahay Bancroft Global Development, Phoenix International Security (PIS), Carasen,  iyo kuwo kale oo lamid ah. Hay’adaha calooshood u shaqeystayaasha ah intii ay dalka soo galeen ayaa waxaa si aad ah isu soo taray ammaan darro laga dareemay guud ahaan Soomaaliya iyadoo si aad ah ay u bateen dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo dadka waxgaradka ah.

Isha xogahan: Associated press, New York Times & Intersol



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Saraakiil ka tirsan al Shabaab oo maanta dad kula hadlay duleedka koofureed ee Muqdisho
  2. C/nuur Darmaan oo heshiis la soo galay Calooshood u shaqeysatayaal si ay Soomaaliya uga dagaalamaan
  3. Q.M “170 kun ayaa ka Barakacay Muqdisho, 1 Milyana Abaaro ayaa ku haysa S/land”.
  4. Ugaarsiga reer Somaali galbeed ma garbaa?
  5. Qoys Reer Galbeed ah oo la afduubtay

Readers Comments (13)

  1. jaamac says:

    S/C.K/ MAGAALADA MUQDISHOO WAA MAGAALO DAGAAL WAXAYNA SOOMARTAY MARKA LAGA REEEBO DAGAALKA SOKEEYE KUWA CAALAMI AH SIDA MARAYKANKA AMAKII ITOOBBIYA WALISA DHAGAHA DADKA SOMALIYA WAXAA KU CUSUB KOOX TIRI GAALO AYAAN UGA BAXNAY MAGAALADA AWOODOODII OO DHAN AYAY ISKUGUKEENEEN CAJIIB TAAS WAXAY XAQIIQ U TAHAY IN KOOXDANI MARKII HORABA U TAAGNEED GAALAYNTA CULIMADA IYO QOOR GAYNTA MUWAADINKA SOOMALIYEED OO AAN IYAGA KU FIKIR AHAYN KOLAY BURBURKA SHABAAB WAXAA U TII RAAN YOONAYA CADOWGA DADKA MUQDISHO KUNOOL .

  2. Rooble says:

    Eedda waxaa iska leh Shabaab illeen iyagaa jinkan aan la aqoon dalka ugu yeeraye.
    Mareykan baan ku duuleynaa iyo Itoobiyaan qabsaneynaa ma waxay dhashay in aad Xamar keentaan Gangs idinka waaweyn oo aysan Soomaali iska celin karin???

    Waxaa wax lagu qoslo ah gaaladii aan lahaa Alaska ayaan ugu tagayaa ayaa magaaladaydii dagaal iigu yimid, sidaa darteed waan ka cararayaa, magaalada ha qabsadeene.

    Shabaabow haddiidan jihaadka xaal siinin, xaalba idinma qabto.

  3. jaamacow mad fahmin waxa laysku hayo ee gaaloisu soo bahaysatay
    sxb dibugu noqo fahamka quraanka iyo sunaha iyo dalaalka u dhexeeya

  4. umu anisaa says:

    waxan sheegi lahaba walaalkey rooblaa sheegey mahadsanid wax walbo soomaaliya la keeno waxa masuul ka ah caruurtan torabora laga hago ee wejiyada duubtey hishiis diiden nabad ma raban xukunka ma raban in wax laga siiyo calankeenii baluuqa ma raban waxey rabaan oo qura in wadankeena ay ku soo hagaan calool u shaqeyste oo dhan iyo FBI waxey doonayan in wadankeena gacantteenu uu ka baxo waxan ku qosley aggaga waxan uga baxney ciidamo cadaan ah oo reer galbeed ah ayaa yimid kkkkkkkk aawey jihaadkey sheegayen ma in ay dadka soomaaliyeed qoorta ka jaraan oo jidadka dhigaan miyaa mey ku jihaadan gaalkan cad oo aan u jeedno taas waa calaamadihi khawaarijta in aysan gaalo la dagaalin oo ay muslimiinta gowracaan. yaaaaaab leydinma sii arko shababow .

  5. Abu Ahmed says:

    Allah baa lana jiro hadii gaalo isku kaayo bahaystay (xasbunalahu wa nicmal wakiil) maxay naga tarayaan gaalo Allah abaa nala jiree

  6. Ugu horaytii waxaan dhilahaa qofka labaxay JAAMAC waxaad qof jaahil ah waxna aan garanayn gaalana hayd iska timaado meelkasto ma ogid miyaa inaysan wax ba naga qaadandayn hayday mid cad iyo mid modow isku yimaadaan tee kale .
    Miyaad fahamaysaa waxay muqdisho u yimaadeen waa inay la daagaal shareecada islamka hadaba waxay waayeen awood ay somalia ugu soo diraan ciidan waayo boqolaalkii kun oo ay geeyiin ciraq iyoAfghanistan baa malin kasto koox udhimayso anagu gaalo iyo inta u shaqaysa waan dagaalamaynaa inta Allah amarkiiso imaanayo magatagayno xaqa
    hay ado ha soo dirsadiin ama dadka kaan caawinaa ha dhaheen
    NAXNU LAA NA SUULO XAQA

  7. Fatuma says:

    Dalka soomaali baa leh diintana islaamkaa leh shabaab iyo shariif shisheeye shar wade sharta ay wataan shacabka sheegi karee sheeda ha uun ka shuxleynine sharaftii soomaali lahayd shacnigii shacabkeeda sidii lagu soo celin lahaa sheega

  8. asc says:

    asc dhamaan dhalinta ka shaqeyso somalimirror. waad dadaasheen baaridaad sameyseen lakiin su aashu waxay tahay saas shabaab qiil maku helaa in muda lobo sano u badalo muqdisho meel bahalo galeen ah markey gaalo arkaana ka cararaan waa arin la yabaableh, ilaahey waxaan ka baryaa dhib intaas in uu noogu ekaado, dadkeenii baahi ayuu baaba’ayaa dagaal danbe ilaahey naguma celiyo shabaabna sidaas ilaahey hanagu dhaafiyo.diinta islamka shabaab nama barin hortood ayaan naqaaney ilaahey sidaas cimrigeena ha noogu dhameeyo

  9. asc says:

    markale asc.. waxaan su’aal kale ah sidee la rabaa in gaaldaan lagula dagaalo,mise waxaans sugeynaa inta somali gaalo ah naloo keeno,waana bilaabatay dabcan doodna kama taagno hadaa been moodid somali christanis ku qor google.mise waxaa la sugaa inta dadku gaajo u dhamadaan ileen 2years kadib qidaadan badalnay hadba inta la dhahaayo dad ma noolaanaayo’e.. aniga waxay ila tahay aan ku tu’saalo qaadano turkiya dhalin yarada hada heysato oo wadan islam aan maqlin karin u badashay wadan ka naxo islamka ayagoon xabad is ticmaalin

  10. kaafi says:

    Shababaab Ramadan kasta waxayn na dhihi jireen Xamla cusub ayaan soo wadnaa ramadaan kaan waan sugaynay xamladaas xaq iyo xaqdaraba waxay rabta ha ahaatee laa kiin waxaan aad ula yaabay markay na yiraahdeen ramadaan kaan xamla jirtee waa kii aan cararilahayn taas nagama qabato shabaab sabab too ah markasta waxay noo sheegi jireen in ramadaanka ajar dheeri ah lahelo hadaad waxdisho iyo hadii lagu dilo marka siday wax u jiraan anigu waan yaabanahaye mise arinta shabaab waxaa ku kadsoomay oo ku dhaaday maangaab anoo kale ah oo ragii caqliga lahaa waa ku wa afarta xaas qaba maantayna calooshan meel dheer kasalaaxaya .

  11. somali says:

    Asalaamu Calaykum wr wb

    jaamac,Rooble iyo umu aniisa

    Bacda salaan walaalaha qoraalkaan soo ururiyey tarjumeyna waa mahad sanyihiin.

    ammaa walaalaha ku raaxeysanaya oo ku farxaya in gaalo inna qabsato waa nasiib darro waxaana hadalkooda iiga muuqda xizbiyyah khabiithah walaalayaal ilaahay intaad ka cabsataan dib u xisaabtama xizbigu waa qabyaalad waxba ma dhaamo haddii aad dartiis wax u xiriiriso ama u goyso dhibaatooyinka xarakaat kana marka culimadu ka digayaan waa qurunkaan iyo tacasubkaan acmaaga ah in laga dheeraado waa qabyaalad shaati kale xiran waa in aad iska ilaalisaa in aad qof muslim ah aad dhibkiis ku faraxdo becouse jamaacadaada ma aha gaal iyo muslim na meel kasta oo ay isku dagaalaan waa in aad walahaaga siisaa muslimka bal markii Ahlu kitaab iyo Mushrikiin laa diin ah ay isadagaalaan ayaa waxaa soo dhoweysanaynaa ahlu kitaabka.

    Marka xaggee joogaa nin salafi ah oo waxa dhan ee aad adi ku haysato ay tahay sheekh hebel ayuu maqli diiday ama calankii buluugnaa ayuu diiday ama Alaska ayaan tagayaa ayuu yiri.

    billaahi calaykum qabriga nin walbow kaligaa ayaa lagu gelinayaa ee cadaaladda haka tagin.

    sheekh hebel ama jamaaco heblaayo waa ashkhaas ra’yigooda iyo aragtidooda haddii la khilaafo wax diinta looga baxo ama walaaltiniamdii islaamka lagu waayo ma aha kuwa ka khayr badan kana cilmi badan ayaa la diidaa ijtihaadkooda sida Imaam Nawawi Shaafici iyo Xaafid ibn Xajar weliba ijtihaad ay diin ku saleeyeen nusuus la imaanayaan ka waran ninkii lagu diidey ani waxey ila tahay in aan gaalo maanta la iska celin karin ee aynu la shaqayno waxii gaalo innoo dhisto Ikhwaanii cadaaladda yaan looga tagin sheekh fulaan iyo jamaacadayda ayaa tiri .

    Amaa Calanka buluugan

    Waxaan filayaa calanka buluugan waa maro shicaar loo samaystey weliba waqti dhow la sameeyey intaa ka badan haddii aynu u ictiqaadno oo aan aaminno in uu dhib innaka celinayo ama nafci innoo keenayo ama barako ay ku jirto haysashadiisa waa shirki khatar ayaynuna ku jirnaa ee aynu kitaabu tawxiid dib ugu laabanno calankaas an hala gubo waa min wasaail shirki ayuu noqonayaa shajaradii baycatu ridwaan lagu galayba cumar RC waa jarey si aan dadku u caabudin ama aysan u ictiqaadin in uu barako leeyahay, marka maradaan kama khayr badna geedkaas.

    Calamadaan UN ka laga lulayo haddan dooneynona dee Rasuulkeenii scw suubana inama oran calankiina UN ka waa in lageeyaa asalka diintana waa in gaalada al khilaafo ee in laga daba rucleeyo am aha

    Ku dayasho Nabi Muxammad scw aaya leh Hadddii Nabiga lagu dayonayana laba shicaar ayuu laha mid madaw iyo mid cad marka Ninkii dhaha Nabi Muxamed SCW ayaan calankiisi oo kale qaadanayaan Ammaan ayuu leeyahaye cay iyo dacaayad malaha.

    Amma Alaska

    Qofka Muslimkaa balan qaad Raabbi ayuu haystaa oo ah in diinkaanu gaarayo inta habeen iyo maalin ay gaaraan guri walbana uu galayo nin mujaahid oo sharaf leh sharaftiis ama mid gaal ah ama daba dhilif ah oo dulli ah sandullihiis marka insha Allaah Alaska in aad ku fekerto waa himmah caaliyah in aad ku fekerto gaalka in aad gurigiisa gaarto wax weyn ma aha wiilashi 19 ahaaba ee 11 sep meelihii ugu xasaasiyadaysnaa mareykan oo ilaahnimo sheegtey ayay dhulka la galeen marka wax weyn ha umalayn alaska

    Haddii ay muqdisho yimaadeena daliil uma aha in aan dhulkooda la tagi karin.

    Ammaa Alshabab iyo bixitaankooda.

    Walaayaal waa arin Milatary Nabiguna SCW wuxuu inoo sheegey Alxarbu khudcah cadawgaaga hadduu kaa awood weynaado farsamada iyo qaab ka dagaalka bedel tusaale ahaan qof kaa xoog weyn ayaad is dagaasheen haddii aad toos isu gashaan dhulka ayuu kugu jiidayaa marka in aad gaaddo oo asagoo shaah cabaya aad madaxa qaado oo haddana asagoo meel maraya luuq u gasho ku dhufato waxaan filayaa waa caqli iyo xeel dagaal qofna kuguma eedaynayo in uu kugu amaano ma ahane.

    midda kale oo muhiimka ah aya ah haddii cadawgaaga aad is dhaafiweysaan oo uu difaac adag galo waa laga insixaabaa bal siirada dib u akhriya weliba waan aminsanahay in aad akhrideen laakiin fahamkii ayaa jirin Dagaalkii Daaif Nabigu SCw wa gali waayay difaac adag ayay xirteen muddo aya lagu harereysnaa kadibna nabigu SCW saxaabada ayuu la tashaday nin aya waxuu ku taliyey in laga laabto nabiguna ra’yigaas ayuu qabay laakiin saxaabadi aya diidey oo yiri see uga laabannaa anagoo qabsan Daaif kadibna Nabigu SCW berri weerar u diyaar garooba ayuu yiri weerarki ayaa la qaadey waa loo gali waayey dhaawac badanna waa soo gaarey Saxaabadi markaas ayuu rasuulku SCW yiri waan guureynaa kulli way farxeen waana ku raaceen rasuulku SCW waa ku qosley ciidankiina wa lasoo baxay.

    ka fiiriya kutubta siirada oo dhan GHazwatu Daaif Zaadul Mucaad ,Raxiiqul Makhtuum, Ibn hishaam siirah saxiixah kitaabu siyar li abii isxaaq al fazaari.

    Sidoo kale Insixaabkii Khaalid bin waliid iyo Macrakadii Mu’ta waa insixaabkii lagu amaanay Nabiguna uu ku farxey uguna baxshey Sayfulllaahi Masluul weliba waxyi lagu sheegey.

    kaliya in uu ciidankii Muslimiinta badbaadshey oo cadawga ka awood weyn ka soo insixaabshey ayaa amaan u ahayd.

    Marka Insixaabka Alshabaab halkaas ayuu asal ku leeyahay 2 sano iyo xoogaa ayay xisaar ku hayeen cadawga difaac adag ayayna xirteen marka xaq ayay u leeyihiin in ay xisaarka ka qaadaan si ay dhufeysyada uga soo baxaan.

    Maka Ikhwah waxaan filayaa webkaan dadka soo galaa waa dadka wax fahamsan ee yaan lala fikri noqon caamada iyo calmaaniyiinta ee wacyigiina kor u qaada.

    wsc

  12. janagale Mujahid says:

    Asc Salan Kadib Ilah Waxan Wey Disaneyna Bis Asmaihil Xusna Wa Sifatihul Cula Inu Bishan Si nabad Ah Inogu Dhameyo Kherkedana Ina Wa Fajiyo Inta Kadib , Dadka Shbab Radinaya Waxa lo Bahan Yahay Inad Si Cilmiyeysan u Hadashan Shabab Wa Rag Dadalay E cadwoga Inta O Sano Hor Fadhiyay Ayado Cid Goni Ugu Xilsartay La dagalanka galada eysan jirin O Dhamantayada wa jib Iangu Yahay Jihadka Somaliya Ka Sicda Hadi Marka Manta Ey Ba Dalen qabki Dagalka Eyna Wali U Tagan Yihin Iney Cadawga Dhig Bax Ku Ridan Wa in Lagu Tagera Lona Duceya waxan Is Leyahay Sida Rayigeyga Ah Iney sidan sameyan oy difayacyada baneyna dan badan ba ku jirta cadawguna wa fahmen e adinku intad la dihin wa tey leyihin wa in cidamada la so badiyaa waxan ku bilabatay weraro an waqtiyeysneyn iyo hujum jogta ah wana midi sababi lahayd ayadon anaga dad badani inaga dhiman inan adwoga madow iyo cadankisuba an layno ana wadankena xoreyno marka cida si tos ah shabab ula dagalsan waxan u qeybinaa 2 qeybod kuwa islamnimada kaga so hor jeda e munafiqin an oranayo 2 iyo kuwa ka so horjeda qabka wax ku so socdan iyo qorshaha dagalka kuwa qabka an la dhacsaneyn waxa wajib ku ah madama aysan saxada jogin iney ka war sugan go an walalhoda qaten kodana eey u dayan uguna duceyan ama kuwa nifaqa hareyay waxan le nahay ka dhinta caradina waxan guleysanayo mar waliba islamka mida kale shabakadan waxan ka aminay iney tahay shabakada sida rer galbeydka jecel yahay u hadasha wayo niman mujahidin ah bey maleshiyad ku tilmatay war yesan cadifad iyo qabaliyad idin qadin ilah ka xishoda ban leyahay o ama shabakada islamiga ah an idinku tirino ama kuwa la diniyinta ah mid ku sifoba somalimirror ban ula jeda wa bilahi tow fiiq Islamka Alaha Guleyo Cadwoga Islamkana Alaha Jabiyo Somali Ahaya Ama Cadan ahaya Ama African ahaya Ilahow umada kala sar adiga xakim ahe?

  13. kkkkkkkkkk Waa Arrin lala yaabo Fakashada shabaab ay fakadeen




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Saraakiil ka tirsan al Shabaab oo maanta dad kula hadlay duleedka koofureed ee Muqdisho
  2. C/nuur Darmaan oo heshiis la soo galay Calooshood u shaqeysatayaal si ay Soomaaliya uga dagaalamaan
  3. Q.M “170 kun ayaa ka Barakacay Muqdisho, 1 Milyana Abaaro ayaa ku haysa S/land”.
  4. Ugaarsiga reer Somaali galbeed ma garbaa?
  5. Qoys Reer Galbeed ah oo la afduubtay

Latest Headlines