Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo xubno ka mid ah madaxtooyada Jabuuti iyo wasiirka arimaha dibada ee wadankaasi ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ayaa subaxnimadii ka soo degey garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade waxaana halkaa ku soo dhoweeyey madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha barlamaanka DKMG ah Shariif Xasan iyo qaar ka mid ah wasiirada DKMG ah.
Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa tegey xerada ugu weyn ee barakacayaasha ay ku jiraan ee lagu magacaabo Badbaado iyagoo halkaasiku soo arkay dadka kujira xeradaasi oo ah dadkii ka soo barakacay abaaraha ku dhuftay dalka.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle iyo wafdigiisa oo sidoo kale saxaafada dalka Jabuuti qeyb ka ahaayeen ayaa booqasho gaaban ku tegey isbitaalka Banaadir oo lagu daweeyo haweenka iyo carruurta isagoo qeybaha carruurta ee isbitaalka soo dhex maray.
Wuxuuna madaxweyne Ismaaciil Cumar markii danbe kulan kula yeeshay madaxda DKMG ah xarunta madaxtooyada, wuxuuna halkaa kula hadlay saxaafadda isagoo sheegay in booqashadiisan ay ahayd mid walaaltinimo uuna ugu kuurgalayey xaalada ka jirta dalka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xaalada abaarta ay ka weyn tahay siduu moodayey isagoo ugu baaqay caalamka inay gurmad siiyaan dadka Soomaaliyed.
Wafdigan uu hogaaminayey madaxweynaha Jabuuti ayaa ahaa midkii ugu ballaarna oo ka socda dawlada Jabuuti oo soo gaara Muqdisho illaa iyo sanadkii 1988, waxayna wafdiga ugu danveyntii galabta dib ugu laabteen dalka Jabuuti.

Related posts:
yaa salaam soo dhawaaw boqashada mdaxweynaha labaad ee somalia ismacil cumar gelle uu kuyimid dalkis alabad.
waxeey mari doonaan meeshii ay mareen kuwii kahoreeyay meesha ay mareen bi’idni Allaah Kariim.
Daaguud Geele, kama fiicna uganda iyo burundi isku meel ayey noo joogaan waxaana sugeynaa nasriga Allaah inshaa Allaah.
kkkkkkkkk To: Muwaxid ninka labaxey waxd tahay jaahil aan waxba aqoon ee ka aamus madaxda sharafta leh
waa runtaa sheekh mohamedow