Gaadiidleyda Muqdisho oo ka cabanaya jidgoogooyin ay dhigteen askarta DKMG

Published on August 16, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Gaadiidleyda ka hawlgasha degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley illa isgoyska NO-4 ayaa ka cabanaya isbaarooyin ku soo badanaya deegaanadaasi kuwasi oo ay dhigteen ciidamo ka tirsan kuwa degmooyinkaasi ee DKMG ah.

Qaar ka mid ah Darwalada Gaadiidka oo diiday in magacyadooda la sheego ayaa sheegay in iyaga iyo shacabka ay isku dhib qabaan, kadib markii ay sii badatay lacagaha gaadiidka looga qaado Jidgooyooyinka u yaala Ciidamada Dowladda, iyagana ay ku qasabtay inay kordhiyaan lacagihii ay dadweynaha ka qaadi jireen.

Illaa 5 isbaaro ayaa taala ka bilow KM4 ilaa Isgoyska Dabakaayo madow, mid waxay taala agagaarka Garoonka diyaaradaha, mid kale Buula Xuubey, Isgoyska Danwadaagta, Suuqa Weyn ilaa Dabakaayo madow saddex kale ayaa isku xiriirsan, sidaasi waxaa yiri nin darawal ka ah baabuurta dadweynaha ee ka shaqeeya KM-4 illaa Dharkeeley.

Halkii baabuur oo kaliya ayaa maalintii celcelis ahaan waxaa isbaarooyinka looga qaato lacag dhan 700-kun shilin Soomaali ah taasoo ah lacag aad u badan isla markaana culeykeedu uu fuulayo dadweynaha raaca baabuurta.

Jidgooyooyinkaas ayaa waxaa ku sugan Ciidamada DKMG ah sheegta inayka tirsan yihiin waxaana jirta in lacagaha ay mararka qaar sii kordhiyaan gaadiidka.

Lacagaha laga qaado baabuurta ayaan gelin gacanta dawlada waxaana si toos ah u qaata mooryaanta isbaarada joogta,  mana muuqata in waqtigan DKMG ah ay wax ka qaban krto dhibaatadan.

Dhanka kale mooryaanta joogta isbaarooyinka ayaa mararka qaar dil u geysta darawalda iyo kirishbooyada ka shaqeeya baabuurta ka dib marka ay ku murmaan lacagaha baada ah ee laga qaado babuurta.

Bulshada ku nool degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa baaqyo u jeediyey DKMG ah laakiin illaa hadda arintaasi waxba lagama qaban.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gaadiidleyda oo soo dhoweeyey jidgooyooyinkii laga qaaday wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho
  2. Dadka reer Muqdisho oo ka Cabanaya dhaca Ciidanka DKMG ah
  3. Afhayeenka xarakada Shabaab oo ka hadlay dadkii askarta DKMG ah ku dileen Muqdisho shaleyto
  4. Askarta DKMG oo baaritaano kawada wadada Maka Al-Mukaramah.
  5. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan

Readers Comments (1)

  1. janagale Mujahid says:

    Asc walayal Waxan idin Leyahay Awalba Dada Ilah An Garaneynin E Xalaleytay Dhaca Iyo Bobdka Musliminta Ahlu Towxidka Ah Miyad Ka Sugeyseyn Wa Dad Badan Koda Lagu SO koriyay Ayagba Lacago Isbaro Laga Qadi Jiray Hadana Waxa Wadanka Ka Bilabanaya lacala Hadi Shabab ka Baxo In Dadku is cunan Midba midku ka Awod Badan Yahay IlahSe Ma Yelo Sida e Wadanka Mujahdnta shabab alaha ku guleyo halgankoda ayagana waxan u dardarmaya ala ka cabsi iney badiyaaaaaan shababooooow ilah ka baqa dadkan adinka cidan ahayn uma maqna e adinkana qaladadka iska yareya taxkimkana cadalad ka sameeeeeeeya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaadiidleyda oo soo dhoweeyey jidgooyooyinkii laga qaaday wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho
  2. Dadka reer Muqdisho oo ka Cabanaya dhaca Ciidanka DKMG ah
  3. Afhayeenka xarakada Shabaab oo ka hadlay dadkii askarta DKMG ah ku dileen Muqdisho shaleyto
  4. Askarta DKMG oo baaritaano kawada wadada Maka Al-Mukaramah.
  5. Dadka Rayidka ah oo ka Cabanaya Dhaca & Amaan dara Ciidamada DKMG ah Kula Kacaan

Latest Headlines