Puntland oo soo bandhigtay saraakiil iyo ciidamo Maxaabiis ah oo ka tirsan Soomaaliland

Published on August 11, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku soo bandhigay 19 maxbuus oo isugu jiray Saraakiil iyo Ciidan ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland, kuwasoo lagu soo qabtay kadib markii weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Taleex iyo Laascaanood ee Gobolka Sool.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda weerar ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Soomaaliland xilli ay marayeen meel u dhexeysa degmada Taleex iyo xarinta Laascaanood ee Laascaanood ayna soo qabteen ciidamadaasi iyo saraakiisha.

Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Col. Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen Ciidankooda ay saaka aroortii ku soo qabteen 19-maxbuus oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay dhaawac yihiin, waxaana lala soo bandhigay Gaadiid ay wateen oo lahaa Sumada Soomaaliland.

Mar wax laga weydiiyay hadii howl galkan khasaare ka soo gaaray ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda aanu wax ka soo gaarin, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool ee Soomaaliland uu weerarkaas ku dhintay.

Weerarkan ayaa Ciidamada Puntland ay jidka ugu galeen ilaa shan gaadiid oo ay ku socdeen Xildhibaan ka tirsan Somaliland, Saraakiil Ciidan iyo Ciidamo, waxaana Xildhibaanka uu ka badbaaday weerarkaas.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo ka hadlay weerarkan ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay deegaanadooda ku soo duuleen, isla markaana dagaal uu dhex maray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Somaliland iyo Puntland oo ku aadan falkii maanta ka dhacay deegaanka Taleex.

Inkastoo ay jirtey xiisad mudo dheer taagneyd oo u dhexeysa Puntland iyo Soomaaliland haddana weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee si toos ah u dhexmara labada dhinac mudooyinkan danbe.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Soomaaliland “waxaan ka shakisanahay ciidamada ajnabiga ee yimid mandiqada Puntland”
  2. Ciidamo ka tirsan Puntland oo soo galay S/land.
  3. Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland oo tababar u soo gababoobay
  4. Ciidanka Soomaaliland oo Macalin dhigi jirey Tarbiyatul Islaam ka qabtey magaalada Laascaanood
  5. Maamulka Soomaaliland oo canbaareeyey fal xaley lagu dhaawacay afar ruux oo ka dhacay Laascaanood

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Soomaaliland “waxaan ka shakisanahay ciidamada ajnabiga ee yimid mandiqada Puntland”
  2. Ciidamo ka tirsan Puntland oo soo galay S/land.
  3. Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland oo tababar u soo gababoobay
  4. Ciidanka Soomaaliland oo Macalin dhigi jirey Tarbiyatul Islaam ka qabtey magaalada Laascaanood
  5. Maamulka Soomaaliland oo canbaareeyey fal xaley lagu dhaawacay afar ruux oo ka dhacay Laascaanood

Latest Headlines