Sheekh Cali Dheere oo u digay shucuubta Burundhi iyo Yugaandha

Published on July 31, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Afhayeenka ururka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digey shucuubta wadamada Yugaandha iyo Burundhi inay askartooda ka qaataan Muqdisho haddii kale ay ku le’an doonaan dagaalka ka socda Muqdisho.

Sheekh Cali Dheere oo shir jaraaid ku qabtay goob ka mid ah furinta dagaalka ayaa sheegay in haddii ciidamada ajaaniibta aanay ka joogin Soomaaliya ay sidan oo kale Muqdisho u martigelin doonto maydadka askartooda, isagoona intaasi raaciyay in wiilasha Yuganda ee ay Muqdisho ku soo daabulayaan madaxdooda ay dhaxli doonaan khasaare.

Wuxuuna ugu baaqay askarta cusub ee loo soo dirayo Muqdisho ka hor inta aanay soo socdaalin inay saaxiibadooda Muqdisho ku rafaadsan xaaladda kala hadlaan si ay wax u fahmaan.

Wuxuuna dhanka kale waalidiinta dhashay askarta Uganda iyo Buruundi ee Muqidho ku sugan ugu baaqay inay wiilashooda u naxan maadaama aanay dib ugu soo laaban doonin iyaga oo nabad qaba.

Shirkan jaraaid ee Sheekh Cali Dheere ayaa ku soo beegmay iyadoo weli maalintii saddexaad dagalo ay k socdaan Muqdisho.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Sheekh Cali Dheere “Waxaa hubaal ah in AMISOM ay ku naafowday weerarkii Isniintii”
  2. Sheekh Cali Dheere “Hay’adihii hore loo mamnuucay kuma jiraan kuwa la fasaxay”
  3. Sheekh Cali Dheere “Gaal iyo Muslinba waan soo dhoweyneynaaa haddii ay dadka abaaraha u gurmaneyso”
  4. Sheekh Cali Dheere “Sheekh Usaama Alle haka aqbalo shahaadadiisa”
  5. Shiikh Cali Dheere “mujaahidiinta waxaan leeyahay sabra”

Readers Comments (1)

  1. Leelkase says:

    Ninkani xal uma hayo Soomaali ee haduu wax maqlayo waxaan kula talin lahaa in uu dagaalka joojiyo dalkiisana iyo dadkiisana nabada kula dadaalo. Bisha ramadaan waxay mudan tahay nabad iyo Ilaah bari laga baryo Ilaah.

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Cali Dheere “Waxaa hubaal ah in AMISOM ay ku naafowday weerarkii Isniintii”
  2. Sheekh Cali Dheere “Hay’adihii hore loo mamnuucay kuma jiraan kuwa la fasaxay”
  3. Sheekh Cali Dheere “Gaal iyo Muslinba waan soo dhoweyneynaaa haddii ay dadka abaaraha u gurmaneyso”
  4. Sheekh Cali Dheere “Sheekh Usaama Alle haka aqbalo shahaadadiisa”
  5. Shiikh Cali Dheere “mujaahidiinta waxaan leeyahay sabra”

Latest Headlines