Culumada,Isimada,Nabadoonada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool gobolka Bari ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ay xiisada ka dhex taagan tahay ee deegaanada gobolka Bari ee Puntland.
Ugaas Xasan Ugaas Yaasin oo kamid ah Isimada gobolka Bari oo ka hadlay kulan lagu qabtay Boosaaso ayaa ugu baaqay in si deg deg ah loo dhameeyo xiisada taagan,wuxuuna sheegay in aysan habooneyn in dhiiga qof muslim ah la daadiyo.
Sheikh Daahir Aw Cabdi oo isna kamid ah Culuma’udiinka ugu waa weyn deegaanada Puntland ayaa ku sifeeyey in dhiiga oo la iska daadinaayo ay tahay mid ALLE idin kaga caroonayo,wuxuuna ku booriyey laba beelood ee Walaalaha ah in ay isu sabraan,wuxuuna laba dhinac ka codsaday in bisha Ramadaan aanan lagu soo dhaweyn Colaad iyo dagaal.
Sidoo kale ayuu Sheekhu si deg deg ah ugu baaqay in ay kala dhexgalaan nabadoonadu si xiisadu aysan u noqon mid daba dheeraata.
Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim oo isna baaq nabadeed dhankiisa u diray labadaasi beelood ee wada dega gobolka Bari ayaa sheegay in si ALLE ka cabsi leh ay u joojiyaan dilalka dhexdooda ah ee ay wadaan,wuxuuna tilmaamay in haddii arrinku sii socdo ay dhici doonto masiibo bini’aadamnimo.
Baaqan ka soo yeeray waxgradka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay socdaan dadaalo lgu dhex dhexaadinayo qaar ka mid ah beelaha deegaano ka mid ah gobolka Bari oo beryhn xiisado yar yar u dhexeeyeen.

Related posts: