Deegaanada Puntland oo caawa laga bilaabay tukashada salaada Taraawiixda

Published on July 31, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso, Garoowe, Qardho, Buuhoodle iyo Laascanood caawa si toos ah looga bilaabay tukashada salaada Taraawiixda iyadoo idaacadaha ay tebinayaan in berito ay Ramadaan tahay.

Masaajidada waaweyn ee ku yaalla Boosaaso ayaa caawa dad fara badan ku tukadeen Taraawiixda iyadoo salaada ka dibna culimo ka hadashay masaajida y sheegeen in bisha Shacbaan ay ku idlaatay soddon berina ay tahay maalin Ramadaan.

Dhanka kale dad ku sugan degmada Buuhoodle ayaa u soo sheegay Shabakada Somalimirror in nin oday ah oo degan Buuhoodle uu arkay bisha Ramadaan iyadoo culimada deegaanka ay dhaariyeen ninkaasi.

Sidoo kale warar naga soo gaaray degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha hoose aya sheegaya in labo ruux ay arkeen bisha kuwaasoo ah dad lagu kalsoonan karo.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Salaada Taraawiixda.
  2. Is badal Xagga Cimilada ah oo laga dareemayo Deegaanada Puntland
  3. Xukuumada Shiinaha oo Muslimiinta Turkistaan Al-Sharqiyah u Diiday, Salaada Jamaacada & Soonka Bisha Ramadaan
  4. Bilashadda Bisha Shawaal oo laga arkay G/Sanaag
  5. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Salaada Taraawiixda.
  2. Is badal Xagga Cimilada ah oo laga dareemayo Deegaanada Puntland
  3. Xukuumada Shiinaha oo Muslimiinta Turkistaan Al-Sharqiyah u Diiday, Salaada Jamaacada & Soonka Bisha Ramadaan
  4. Bilashadda Bisha Shawaal oo laga arkay G/Sanaag
  5. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka

Latest Headlines