Wasaaradda diinta iyo awqaafta DKMG Soomaaliya iyo culimaa’udiinka Muqdisho ayaa caaw ku dhawaaqday in maalinta berito oo Isniin ah ay tahay 1-da bisha barakaysan ee Ramadaan sidaasna dadka ay ku soomi doonaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Axmed C/laahi Fanax oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay u cuskatay go’aankasi ka dib markii maanta oo Axad ahayd ay ku ekeyd bisha Shacbaan oo taariikh 30 maanta ku dhamaatay.
Sidoo kale Sheekh Cali Maxamuud Dheere oo ka mid ah culimada Muqdisho ayaa isaguna sheegay in bishii Shacbaan ay ku dhamaatay 30 buuxa oo maanta ku eg markaasina berito ay sidaa ku noqoneyso Ramadaan.
Sidoo kale culimo iyo dad masuuuliyiin ah oo ku sugan deegaanada Puntland ayaa sheegay in lagu dhawaaqay in Isniinta ay soon tahay.

Related posts: