Abuu Muscab “Sarkaal Amerikan ah ayaa lagu diley dagaalada Muqdisho waana heynaa cadeyntiisa”

Published on July 31, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii maalmahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ku dileen Sarkaal Mareykan ah oo dagaalada hogaaminayay.

Abuu Muscab ayaa sheegay inay hayaan cadeymo iyo Documentiyo, isagoo tilmaamay in Sarkaalkaas uu ahaa tababare Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana mararka qaar dagaalada uu ka qeyb qaadanayay.

“Mujaahidiinta waxay ku dileen sarkaalkaas Mareykanka oo dhalad ahaa degmada Hodan, wuxuu ka qeyb qaadanayay dagaalka, Tababare ayuu ahaa, Documentiyo iyo tixraac ayaan heynaa, sida la socotaa Gaalada Afrikaanta in inta aysan imaan waxaa soo tababaray saraakiil Mareykanka, kuwana waa soo raaceen”ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay inay soo bandhigayaan cadeymahaas iyo tixaarcyada ay hayaan, waxaana uu ka dhawaajiyay in dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa AMISOM.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shiikh abuu Muscab “Waxay duqeeyeen goobo shacab”
  2. Sheekh abuu Muscab “Labo Taangi ayaan ka gubnay Amisom mid Saddexaadna Dabin ayuu ku dhacay”
  3. Sarkaal ka tirsanaa Garoonka Adan Cadde oo saaka lagu diley Muqdisho
  4. Sarkaal Ciidanka Bileyska DKMG ah ka tirsan oo Duleedka Baydhabo lagu diley.
  5. Sarkaal Amerikan ah oo wadamada Yugandha iyo Burundi weydiistay inay ciidamo hor leh keenaan Soomaaliya

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shiikh abuu Muscab “Waxay duqeeyeen goobo shacab”
  2. Sheekh abuu Muscab “Labo Taangi ayaan ka gubnay Amisom mid Saddexaadna Dabin ayuu ku dhacay”
  3. Sarkaal ka tirsanaa Garoonka Adan Cadde oo saaka lagu diley Muqdisho
  4. Sarkaal Ciidanka Bileyska DKMG ah ka tirsan oo Duleedka Baydhabo lagu diley.
  5. Sarkaal Amerikan ah oo wadamada Yugandha iyo Burundi weydiistay inay ciidamo hor leh keenaan Soomaaliya

Latest Headlines