Taliyihii ciidamada mucaaradka Liibya oo ay rag hubeysan toogteen

Published on July 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Taliyihii ciidamada mucaaradka ee wadanka Liibya Gen C/Fataax Yuunes ayaa la soo sheegayaa in kooxo hubeysan ay toogteen sida ay sheegeen saraakiisha golaha mucaaradka ee wadankaasi.

Mustafa C/Jaliil oo ah ninka ugu sareeya golaha qaranka KMG ee Liibya ee dagaalka kula jira dawlada Col. Mucamar al-Qadaafi ayaa sheegay in Gen C/Fataax Yoones y dileen niman hubeysan oo mucaaradka tirsan isla markaana ay xiran yihiin raggii dilkaasi ka dambeeyey.

Labo ka mid ah ilaalada Generalka ayaa sidoo kle lagu dilay weerarkan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha mucaradka Liibya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gen C/fataax Yoones looga shakisanaa inuu xiriir la leeyahay dhanka dawlada Liibya gaar ahaan Col. Qadafi taasoo shaki gelisay xubno ka mid ah mucaaradka Liibya ee dagaalka kula jira dawlada Col. Qadaafi.

Gen C/fataax  Yoones ayaa mudo dheer ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee Liibya wuxuuna ku jirey ragii ku caawiyey Col. Qadafi inuu xukunka dalka qabsado sanadkii 1969.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wafdi ka socda mucaaradka Liibya oo boosho ku tegey wadanka Shiinaha
  2. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  3. Col. Qadafi oo wacad ku maray inuusan weligii ka tegi doonin Liibya
  4. Gawaari ay leeyihiin mucaaradka Liibya oo markale la duqeeyey
  5. Mucaaradka Liibya oo sheegay in dhaqaale la’aan ay soo wajahday

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi ka socda mucaaradka Liibya oo boosho ku tegey wadanka Shiinaha
  2. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  3. Col. Qadafi oo wacad ku maray inuusan weligii ka tegi doonin Liibya
  4. Gawaari ay leeyihiin mucaaradka Liibya oo markale la duqeeyey
  5. Mucaaradka Liibya oo sheegay in dhaqaale la’aan ay soo wajahday

Latest Headlines