Taangi ay leeyihiin Amisom oo ku gubtay degmada Wardhiigley [SAWIRRO]

Published on July 29, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay taangi ay lahaayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho kaasoo ka qeybqaadanayey dagaalkii shaley ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab ayaa sheegay in taangiga ay gubeen ciidamada Al-Shabaab ayna la heleen Gantaal abaarihii 10-kii saac xalay saqdii dhex.

Taangiga ayaa ku sugnaa xaafadaha u dhow dugsigii Maxamuud Xarbi oo ka tirsan degmada Wardhiigley, waxaana dadka ku sugnaa Xaafadahaas soo sheegeen in xalay mar qura ay maqleen qarax xoog leh oo aanay kala ogeyn waxaa uu ahaa, kadibna ay arkeen holac ka baxayay taangiga.

Ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku aadan Taangigaas gubtay.

Waxaana gubashad tangigagan ay soo aaday iyadoo dagaal xoogan uu shaley ka dhacay magaalada isla markaana DKMG ah iyo AMISOM ay ka sheegteen guulo iny ka gaareen dagaalka.

Dhanka kale dagaalo goos goos ah iyo duqeymo maanta magaalada ka dhacay ayaa galabta joogsaday.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Sheekh abuu Muscab “Labo Taangi ayaan ka gubnay Amisom mid Saddexaadna Dabin ayuu ku dhacay”
  2. Dhaawacyada ciidanka Amisom oo lagu daabulay diyaarad ay leeyihiin militariga Faransiiska oo geysay Jabuuti
  3. Amisom oo qiratey in labo askari looga diley dagaalkii shaley ka dhacay Muqdisho
  4. Afhayeenka Amisom oo qiray in labo askari looga dilay dagaalka
  5. Dhibane gaarigisiisa ay ka burburiyeen ciidanka Amisom oo ka hadlay khasaaraha loo geystey [SAWIRRO]

Readers Comments (1)

  1. Mohammed mudey says:

    Alle ayaay mahad oo dhan u sugnaatay amaanna waxaa mudan Nabi Muxammad (Nnkh) intaa kadib waxan leyahay wali la ismagaarin ee AMISOM ha adkaysata gubashadani waa yartahay ayan dhihi ee gaalada hala dhameeyo kuso dushay dalkeni hoye.

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh abuu Muscab “Labo Taangi ayaan ka gubnay Amisom mid Saddexaadna Dabin ayuu ku dhacay”
  2. Dhaawacyada ciidanka Amisom oo lagu daabulay diyaarad ay leeyihiin militariga Faransiiska oo geysay Jabuuti
  3. Amisom oo qiratey in labo askari looga diley dagaalkii shaley ka dhacay Muqdisho
  4. Afhayeenka Amisom oo qiray in labo askari looga dilay dagaalka
  5. Dhibane gaarigisiisa ay ka burburiyeen ciidanka Amisom oo ka hadlay khasaaraha loo geystey [SAWIRRO]

Latest Headlines