Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole aya wareegto uu soo saarey wuxuu ku magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari ka dib markii uu hore isku casilay gudoomiyihii hore ee gobolka.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari ayaa loo magacaabay C/samad Maxamed Galan sida ;lagu sheegay wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo xalay soo baxday.
Xil magacaabistani ayaa imanaysa xilli uu Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf uu shaqada ka tagey isagoo ka istiqaalooday xilkii Gudoomiyaha Gobolka Bari ee uu hayay in muddo ah.
Gudoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in uu dhowaan la wareego xilka loo soo magcaabay iyadoo ay jiraan hawlo fara badan uu hor yaalla maamulkiisa.

Related posts: