Abaanduulaha Ciidamada DKMG ah C/kariin Yuusuf Dhego-badan ayaa maanta sheegay in magaalada Muqdisho dawladu ku qabsan doonto inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhegao-badan oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay shalay gaareen AMISOM iyo ciidamada DKMG ah isagoo sheegay inay dawladu qabsatay suuqa Bakaaraha iyo suuq Bacaad.
Dhego-badan oo la weydiiyey sida y ugu suurtagaleyso inay Muqdisho hal bil ku qabsadan iyadoo saddex sano uu dagaal u dhexeeya DKMG, AMISOM iyo Al Shabaab uu ka socdo ayaa sheegay in hadda dhankooda ay si fiican u soo diyaar garoobeen. Wuxuuna sheegay in dhankooda aysan joojin doonin dagaalka hadda ka bilowday Muqdisho.
Hadalka C/kariin Dhego-badan ayaa ku soo beegmay iyadoo dagaal culus oo shaley ka dhacay magaalada isla markaana geystay khasaare fara badan ay DKMG ah iyo AMISOM ku sheegteen guulo inay ka gaareen dagaalka.
Balse dhanka Al-Shabaab ayaa beeniyey in wax deegaan ah looga qabsaday dagaalka.

Related posts: