Dagaalo goos goos ah oo saaka ka socda Muqdisho iyo duqeymo xalay magaalada loo geystay

Published on July 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa saaka markale dagaalo goos goos ah ay ka socdaan deegaanadii shaley lagu dagaalamay ee magaalada Muqdisho iyadoo xalayna ay jireen duqeymo xoogan oo loo geystay xaafado ka mid ah magaalada.

Dagaalka saaka ayaa aroortii hpre ka bilawday qeybo ka mid ah degmooyinka Wardhiigley, Hodan iyo Shibis oo ka mid ah meelihii shalay lagu diriray oo welina la isku horfadhiyo.

Dhanka DKMG waxay saraakiil u hadashay ay sheegteen inay guulo ka gaareen dagaalkii shalay ayna heystaan suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad iyagoo intaa ku daray in xalay ciidankoodu uu ku hoyday deeganadaasi.

Dhanka Al-Shabaab afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh C/casiis abuu Muscab ayaa beeniyey in wax dhul ah looga qabsaday dagaalkii shalay wuxuuna sheegay inay dib u riixeen ciidanka DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo shalay weerarka soo qaday.

Marka loo gudbo khasaaraha dagaalka illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimasho 20 ruux ah oo isugu jira rayid iyo dhinacyada dagaalka iyadoo dhaawacyda la geeyey isbitaalada guud ahaantood ay dhan yihiin 50 ruux, sida uu noo sheegay Cali Muuse oo madax ka ah ambalaasta Muqdisho.

Dhanka kale waxaa xalay magaalad uu waagu ugu baryey duqeymo culus oo ay geysteen ciidanka Amisom waxaana meelaha sida aadka ah loo duqeeyey ka mid ah xaafado ku yaalla degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Sidoo kale waxay xalay duqeymuhu gaareen deegaanka Kaxda oo ka mid ah deegaanada loo barakacy ee duleedka Muqdisho.

Waxaa jira tiro dad ah oo ku dhaawacmay laakiin weli la hayo tirakoob sax ah.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Duqeymo iyo dagaalo goos goos ah oo saaka ka dhacay degmooyin ka mid ah Muqdisho
  2. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  3. Dagaalo goos goos ah oo saaka waabarigii ka dhacay Muqdisho
  4. Dagaalo goos goos ah oo saaka ka dhacay Muqdisho
  5. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Duqeymo iyo dagaalo goos goos ah oo saaka ka dhacay degmooyin ka mid ah Muqdisho
  2. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  3. Dagaalo goos goos ah oo saaka waabarigii ka dhacay Muqdisho
  4. Dagaalo goos goos ah oo saaka ka dhacay Muqdisho
  5. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.

Latest Headlines