Warbixin: Sh. M’ed Shakuul oo si farxad leh loogu soo dhoweeyay Wardheer & machad diini ah oo laga furay halkaa

Published on July 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Sheekh Maxamed Ibraahim shakuul iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Wardheer iyadoo looga horyimid 160km.

Waftigan ayaa ka koobnaa 2 qaybood waxaana ka mid ahaa Sh Ibrahim Barkhadle, Sh Muxumed Gadhweyne, Sh C/Rashiid Shaafici, Sh C/Raxman Sugalle, Sh C/Nasir Maxamed iyo Sh Axmed Siraaj, wariyayaal iyo waxgarad kale.

Waxaa wafdiga soo dhaweeyey Maamulka Gobolka wardheer guud ahaan iyo shacabka ku dhaqan Degmadaas oo aan kala hadh lahayn yar iyo wayn, rag iyo dumar, waftigan ayaa la dajiyay Guri si weyn loo sii agaasimay loona diyaariyay Waftigan. Waftigan ayaa soo maray dhul badan laga soo bilaabo Jigjiga Caasimadda DDS illaa Degmada wardheeer, degmooyinkii ay soo mareena ayaa waxaa ka mid ahaa, Dannood, Yucub, Garloogube, Uubataale, Waafdhuug, Walaal, Xarshin, Darroor, Gaashaamo iyo tuulooyin fara badan.

Wafdiga uu hogaaminayey Sh Maxamed Ibraahim Shakuul  ayaa xadhiga ka jaray machadkii ugu horreeyey degaanka soomaalida Itoobiya oo lagu barto culuumta sharciga oo laga furay magaalada wardheer. Machadkaas oo ka kooban 6 fasal, jiko, suuliyo, xafiisyo iyo barxad wayn ayaa la filayaa in ay ka faa’iideystaan illaa 300 arday. Waxaa machadkaas ka hawgalaya macalimiin degaanka u dhalatay oo dibada ka soo laabtay, haystana shahaadooyin jaamacadeed. Xafladda furitaanka machadka ayaa waxa ka soo qayb galay waxgaradka iyo ganacstada wardheer, waxaana halkaas ka soo jeediyey faahfaahin ku saabsan machadka iyo waxa uu noqonayo ka hadlay Sh Ibraahim Barkhadle oo ka mid ahaa waftigaas isagoo xusay in machadka loogu talagala dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida da’yarta, dumarka, iyo dadka shaqaalaha ahba.

Sh. Shakuul oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in machadka ay reer Wardheer leeyihiin iyagana loo furay isla markaasna looga baahan yahay shacabka wardheer inay ka qayb qaataan dhismihiisa iyo horumarkiisaba. Waxaa uu sheekha halkaas ka qabtay (fundraising) ama dhaqaale ururin machadka loogu talagalay dadkii meesha isugu yimid taasoo ay aad ugu farxeen una qariibsadeen dadkii reer wardheer isla markaasna halkaas lagu uruuriyey dhaqaale lama filaan ku noqday dadkii. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Sh. jaamac oo ah sheekha Wardheer, Suldaan C/raxmaan Duullane iyo salaadiin kale oo u mahadceliyey culimada machadka furtay. Waxaana ugu dambeystii xadhiga ka jaray Guddoomiye ku xigeenka gobolka Wardheer Mudane Cabdi barre oo laga soo beddelay Mooyaale.

Socdaalkan ayaa kamid ah socdaallo badan oo baryahan danbe ka dhacayay gobollada waddanka oo dhan kuwaasoo lagu dardar galinayo hormarka laguna caawinayo deegaamada iyo gobolada Deegaanka Soomaalida.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 2,000 oo Qoys oo Kismaayo Raashin loogu qeybiyey & Dowro Diini ah oo Haween loo furay.
  2. Magaalada Galdogob oo laga furay Mac-had diini ah
  3. Warbixin:-Socdalkii Wafdiga Ururka UWSLF ee Gobolka Wardheer oo soo gaba gaboobay
  4. Dhibane Soomaaliyeed oo laga soodaayey Xabsiga Guantánamo oo ka warbixiyey dhibaatooyinka halkaa loogu geysto Muslimiinta.
  5. Guddoomiyaha ururka UWSLF sheekh ibraahim oo si aad u ballaaran godey loogu soo dhoweeyay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 2,000 oo Qoys oo Kismaayo Raashin loogu qeybiyey & Dowro Diini ah oo Haween loo furay.
  2. Magaalada Galdogob oo laga furay Mac-had diini ah
  3. Warbixin:-Socdalkii Wafdiga Ururka UWSLF ee Gobolka Wardheer oo soo gaba gaboobay
  4. Dhibane Soomaaliyeed oo laga soodaayey Xabsiga Guantánamo oo ka warbixiyey dhibaatooyinka halkaa loogu geysto Muslimiinta.
  5. Guddoomiyaha ururka UWSLF sheekh ibraahim oo si aad u ballaaran godey loogu soo dhoweeyay

Latest Headlines