Bulshada Soomaaliyeed waxaa aad u naafeeyay cudurka qabyaaladda, wuxuuna waxyeeleeyey diinteeda, nolosheeda, dhaqaaleheeda, miskaxdeeda, sharafteeda, wadajirkeeda iyo xataa jiritaankeeda ummad ahaaneed.
Dhinaca kale dad farabadan baa isku khalday qabiilka iyo qabyaaladda, iyada oo kan hore yahay nimco Ilaahay ku galladaystay addoomadiisa, halka qabyaaladdu ka tahay dhaqan jaahiliyo (diin la’aaneed) oo diinta islaamku inoo ka digtey, kuna
tilmaantay qurmuun.
Haddaba qormadaan waxaynu ku eegaynaa ujeeddada Ilaahay dadka uga dhigay qabiilooyin iyo faa’iidooyinka qabiilku u leeyahay bulshada, xugunka sheegashada iyo ku abtirsiga qabiilooyinka, xiriirka ugu adag ee isu haya muslimiinta, waxyaabaha
xoojinaya xiriirkaas, waxyaabaha dhaawacaya iyo waxyaabaha goynaya, siyaabihii nabigeena (صلى الله عليه وسلم) iyo asxaabtiisu
qabiilooyinka ula dhaqmi jireen, ugana faa’iidayn jireen, sida islaamku uga digay qabyaaladda iyo axaadiis badan oo muujinaysa xumaanteeda iyo wax ka mida raadadka xun xun ee qabyaaladdu ku reebtay bulshoweynta Soomaaliyeed, haddii Alle idmo.
Ujeeddada Alle dadka uga dhigay shacbiyaal iyo qabiilooyin
Shareecada islaamku waxay ku dadaashaa xoojinta xiriirada ka dhexeeya bulshada, xiriiradaas oo islaamnimada iyo Alle ka cabsigu saldhig u yihiin. Waxaa jira xiriirka islaamka iyo Alle ka baqista ka sokow xiriir dhalasho oo xagga hooyo iyo xagga aabbe ka yimaada, xiriir xididnimo, xiriir darisnimo iwm.
Ilaahay wuxuu yiri: “ dadkaanow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaana idinka dhignay shucuub iyo qabiilooyin; si aad isugu aqoonsataan, Ilaahay agtiisana waxaa idiinku sharaf badan kan idiinku cabsida badan”. Nabigeenu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri: “ nasabkiina ka barta wax aad raximkiina (qaraabo) ku xiriirisaan” . Ilaahay wuxuu yiri: “Isagu (Ilaahay) waa kii biyaha (manida – xawada) ka abuuray dad, kana dhigay mid nasab leh iyo mid xididnimo leh”. Ibnul-carabi wuxuu yiri: “Ilaahay addoomadiisa wuxuu ku galladaystay nasabka iyo xididka, wuxuuna kor u qaaday qadarkooda (qiimha nasabka iyo xididka)” .
Haddaba faa’iidada qabiilku waa in la isku aqoodo ee maaha in la isugu faano, waa in la isku xiriiriyo ee maaha in la isku gooyo, waa in la isku caawiyo ee maaha in la isku luggooyo, waa in la isku anfoco ee maaha in la isku dhibo, waa in khayrka la isugu kaashado ee maaha in sharka la isugu habarwacdo. Qaybaha dambe ee qormadana waxaynu ku arki doonaa siyaabihii islaamku uga faa’iideeyay qabiilka, ugana hortagey dhibaatooyinka qabyaaladda.
Xugunka sheegashada iyo ku abtirsiga qabiilooyinka
Mar haddii Ilaahay sheegay in ujeeddada qabiilooyinka la inooga dhigay ay tahay in aynu isku aqoonsano way caddahay in sharci ahaan ay bannaantahay sheegashada qabiilku, faa’iidana inoo ku jirto. Tan kale dhaqanka Rasuulkeena (صلى الله عليه وسلم
) iyo asxaabtiisa, iyo kan muslimiintuba wuxuu ahaa inay sheegtaan qabiilooyinkooda, qofkana lagu garto, looguna abtiriyo qabiilka uu ka dhashay. Intaa waxaa dheer in nabigeenu (صلى الله عليه وسلم ) reebay in qofku sheegto aabbe aan dhalin iyo reer aanu ka dhalan.
Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood is weydiiyaan mar haddii qabiilka wax uun dhibaato ah ka imaan karto maa gabigiisaba la joojiyo khayrkiisa ha isu qabee?. Mar haddaynu caddaynay faa’iidooyinka bulshada ugu jira qabiilooyinka, isla
markaasna diintu caddaysey xumaanta qabyaaladda, ayna si bareer ah u diiday ku dhaqankeeda waxaa habboon in la ogaado in wax kasta oo wanaagsan, dadkana faa’iido u leh ay diintu xalaalaysay, ayna jiraan dad si xun u isticmaala.
Tusaale ahaan: qofnakamaqarsoona faa’iidada daawadu leedahay, haddana qofkii ka badsada intii loo qoray (dosage) ama si khaldan u istcmaala dhibaato weyn bay u geysan kartaa, dadka qaarkoodna wayba u dhintaan. Canabku waa cunto macaan oo rabbigeen ina ku galladaystay, haddana dad baa khamro ka samaysta; sidaas oo ay tahay cidna ma dhahdo ha la joojiyo daawada iyo canabka. Haddii dariiqaas la furana wax kasta oo dadka waxtar u leh waa la joojinayaa; waayo dadbaa six un u isticmaala.
Xiriirka ugu adag ee isu haya muslimiinta
Muslimiintu sida Ilaahay iyo Rasuulkiisu inoo sheegeen waa wada walaalo, waana isku hal jir oo kale, waana isku naf, waxayna isu yihiin xigto isku leh jacayl, hiil iyo caawimaad. Xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeyana waxaa saldhig u ah islaamnimada oo ah xiriirka ugu xoogga badan ee dadka dhexmara. Xiriirada kale oo dhanna way sii xoojinayaan xiriirkaas, haddii xiriirkaas go’ana xiriirada kale cidna wax u tari maayaan.
Eeg sida nabi Ibraahim bariuga noqday aabbihi markii uu hubsaday inuu cadaw Ilaahay yahay. Nabi Nuux markii wiilkiisu biyihii
ku halaagsamay oo uu Rabbi u baryeyna waxaa Alle ugu jawaabay: “isagu (wiilku) ka mid maaha ehelkaaga, wuxuuna sameeyay camal aan wanaagsanayn (gaalnimo)”.
Nabi Nuux iyo Nabi Luud labadoodii xaas oo gaaloobayna Ilaahay agtiisa waxba ugama aysan tarin, waxaana lagu yiri kuwa naarta galaya la gala. Fircown laftiisa markay xaaskiisii islaamtay Alle ayay ka bariday inuu jannada guri uga dhiso, fircown iyo camalkiisana uu ka badbaadiyo.
Waxyaabaha xoojinaya xiriirka muslimiinta
Diintu waxay ina fartay wax kasta oo lagu adkaynayo xiriirka walaalnimo ee muslimiinta ka dhexeeya, sida: salaanta, isu dhoollocadaynta, waji furfurnaanta, musaafaxada (gacanqaadka salaanta), hadiyada, naseexada, booqashadakan xanuunsan, raacista janaasadakan dhinta, caawintakan baahan, u hiilintakan la dulmiyo iwm.
Waxyaabaha dhaawacaya walaalnimada
Waxaa kale oo diintu ina ka reebtay wax kasta oo dhaawacaya ama waxyeelaynaya xiriirka walaalnimo ee muslimiinta u dhexeeya, sida: xanta, cayda, isugu yeerista naanaysaha xun xun, been-abuurka, isku dirka, xaqiraadda, xasadka, sharaf isugu faanista, nasab cayga, jeesjeeska, malaha xun, jaajuusidda, xataa waxaa la inoo diiday in haddii seddex la yahay labo gooni u faqdo; si aan kan kale qalbigiisa wax u galin. Taas waxay ku tusaysaa sida diinteenu ugu dadaalayso in walaalaha muslimiinta ah isu qalbi-fayoobaadaan.
Waxyaabaha goyn kara xiriirka walaalnimo ee muslimiinta ka dhexeeya
Xiriirka walaalnimo ee muslimiinta u dhexeeya waxaa goyn kara in la waayo wixii awal lagu walaaloobay oo ahaa islaamnimada, mana jiro wax kale oo sabab u noqon kara goynta xiriirka walaanimo. Qur’aanku wuxuu muujiyey qofkii xanta qof muslim ah inuu walaalki xantay. Labo kooxood oo muslimiin ah hadday dagaalamaana wuxuu muujiyey inay walaalo diriray yihiin. Qofkii diley qof muslim ahna inuu yahay qof walaalki diley. Taa macneheedu waxaa weeye inay walaanimadii islaamku
sideedii baaqi u tahay xataa haddii uu xantay walaalki ama la dagaalamay ama diley!, waase haddaanu xalaashan dhiiggiisa.
Siyaabihii nabigeena (صلى الله عليه وسلم) iyo asxaabtiisu qabiilooyinka ula dhaqmi jireen
Innaga (muslimiinta) waxaa la ina faray inaynu nabiga (صلى الله عليه وسلم) ku dayano, qabrigana cid kale la ina weydiin maayee isaga uun baa la ina oran maxaad ka taqaanaan ninkaan?. Waxaa kale oo rasuulku ina faray inaynu qabsano dhaqanka khulafada raashidiinta ah (Abuubakar, Cumar, Cuthmaan iyoCali).
Wuxuu kale oo sheegay kooxda aakhiro badbaadaysa inay tahay tan haysata waxa ay isaga iyo asxaabtiisu haystaan,
qarniyaashana ay u khayr badanyihiin kiisa, kan ku xiga iyo kan ku sii xiga ( waa xilliyadii ay noolaayeen asxaabta, taabiciinta iyo taabicuu altaabiciin); sidaa darteed baynu u soo bandhigaynaa wax ka mida siyaabihii rasuulka iyo axaabtiisu ula dhaqmi jireen qabiilooyinka, waxaana ka mid ahaa:
Qurmuunka qabyaaladda iyo sida islaamku uga digay
Islaamku wuu ka hadlay xikmada ku jirta in dadka laga dhigay qabiilooyin, waana inay isku gartaan. Waxaa kale oo faa’iidooyinkiisa ka mida in qaraabadu isku xiriiriso, iskuna gacanqabato, wixii khayr ahna isugu kaashato, sida: dacwada,
jihaadka iyo bixinta magta dilka gafka ah. Waxaa kale oo la caddeeyay dadku inay Aadan iyo xaawo ka soo farcameen, ka horna ciid laga wada yimid, aysana jirin wax dhinaca abtiriska la is dheeryahay, ayna simanyihiin caddaawe iyo madoobe, carab iyo cajam, waxa kaliya ee lagu kala sharaf iyo qiime badanyahayna ay tahay islaamnimada iyo Alle ka cabsiga.
Dhinaca kale waxaa la caddeeyey xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya muslimiinta (waa walaalnimada islaamka’e). Haddaba iyada oo xaqiiqadaas meesha taal ayaa dadka qaarkood xiriirka dhalasho ka dhigteen burris ay ku burburiyaan midnimada
ummadda, ayna ku kala geeyaan, islaamkuna si lixaad leh ayuu uga hortagey qabyaaladda, ulana dagaalamay, wuxuuna aad u xoojiyey xiriirka walaanimada islaamka oo la’aantiis aysan waxba tarayn xiriirada kale. Islaamkuna wuu ku guulaystey inuu xakameeyo qabyaaladda laakiin mar kasta oo ay hoos u dhacdo aqoonta iyo ku dhaqanka diintu waxaa dib u soo labokacleeya qabyaaladda oo geeso leh, markaas bayna dadka u cirbixiyaa qar ka tuuraan dad badan oo xataa kuwo wanaagsan ka mid yihiin.
Axaadiista ka digtey qabyaaladda, kana hadashay xumaanteeda
Raadadka xun xun ee qabyaaladdu ku reebtay bulshoweynta Soomaaliyeed
Qabyaaladdu waxay burinaysaa shanta ujeeddo ee shareecadu u timid inay ilaaliso, kuwaas oo kala ah: diinta, nafta, maalka, caqliga iyo sharafta. Qofka aafada qabyaaladdu ku habsato si bareera ayuu diinta ugu tumanayaa; waayo waxyaabaha Alle amray
iyo waxyaabaha uu ka reebay waxaa kala weyn waxa qabyaaladdu farayso. Dhinac kale marka laga eego colaad kasta oo muslimiinta dhexmarta waxay dalka ka qixinaysaa tiro aad u badan oo dad ah, kuwaas oo inta badan magan u noqda gaalo gaar ahaan kaniisado dantooda u weyni tahay inay tirada ugu badan oo muslimiin ah gaalaysiiyaan.
Xagga naftana qolo walba waxay awooddeeda isugu geynaysaa siday tirada ugu badan uga layn lahayd reerka ay is hayaan, taas oo keenaysa in qolo walba gaarkeeda u naafowdo; waayo haddii la dagaalamo ma dhici karto in hal qolo kaliya meesha ku le’ato, qolana wada badbaado. Ninka dagaalka abaabulaya marka hore uma muuqdo wiilkiisa dhimanaya ee waxaa u muuqda wiilka reer hebel ee la dilayo, laakiin markii la yara miyirsado ayaa nin walba curadkiisii iyo gacalkiisii tabayaa, waase goor xeero iyo fandhaal kala dheceen. Markii amwaada labada beelood la isku jimleeyana si guud bay ummaddii Nabi Muxammad ( scw ) u gaasiraysaa. Dhibaatada nafeed geerida kaliya maahee waxaa barbar socda dhaawac farabadan oo qaar naafoobayaan, agoon, gablan iyo araamil (garoobo).
Dhinaca caqligana qabyaaladaystuhu wuxuu wax ku miisamaa halbeeg qalloocan oo xaqa baadil u tusaya, baadilkana xaq uga dhigaya. Khaladka beeshiisu waa sax, saxda beeshay is hayaana waa khalad, waxa reekooda loo gaystay waa in la soo mago ama
laga aarsado, waxa reekoodu gaystayna waa in la dafiro ama la meermeeriyo. Qabyaaladda iyo ku dagaallankeedu wuxuu sabab u noqdaa samaysanka “ maliibanayaal lagu liibaanay” oo marka dambe hadafkooda ugu weyni noqdo siday daroogo caqliga ka gadda u heli lahaayeen.
Dhibaatooyinka dhaqaalahana: ninna kamaqarsoona sida dagaalka sokeeye u salguuriyo hantida qofeed iyo tan ummadeedba. Dadka waxaa inta badan u muuqda maaliyadda sida tooska ah ugu baxda colaadda qabiil ee uma fiirsadaan hantida ku burburta dagaalka sababtiisa, ilaha dhaqaale ee dagaalku joojiyo, dadkii shaqaysan jirey oo dagaalka ku mashquula, dadkii la laayey waalidkood, ubadkooda iyo xaasaskooda oo ninkii u xoojin jirey waayey iwm.
Waxaa hubaal ah in aysan sharaf ud hawrnayn dad gabdhohoodii xabsiyo ka buuxaan ama khaddaamado u yihiin ummado
kale. Waxaa samaysmay tilmaamo iyo magacayo foolxun oo aadanuhu ku soo xusuustaan Soomaali, sida: fawdo, dagaal sokeeye, dowlad la’aan, burcadbadeed iwm. Si kastaba ha ahaatee qabyaaladda iyo colaadaha ka dhashay dhinac walba way ka naafeeyeen shacabka Soomaaliyeed, umana oggolaan horumar adduun iyo mid aakhiro midna.
Gabagabadii qabiilku waa nicmo Alle ina ku galladaystay oo ay tahay inaynu sida ugu wanaagsan uga faa’iidaysano innaga oo arrintaas kaga dayanayna Rasuulkeenii (scw) iyo asxaabtiisii, mana habboona in aynu qabiilka dusha ka saarno eedda qabyaaladda. Sidoo kale waxaa muhiim inoo ah in aynu aad uga digtoonaano qabyaaladda diinteenu inoo ka digtay, ayna inoo caddaysay qurmuunkeeda iyo dhibaatooyinkeeda, indheheenana aynu ku aragnay halkay ina dhigtay iyo siday asaaggeen inoo ka reebtay, qayrkeena inoo baday.

Related posts:
Maqaalkii ugu macquulsanaa ee uu qoragu qora tan iyo intii uu ka soo horjeestay jihaadka somalia
Waxaan doonayaa qof iiga jawaaba su’aalahan ereyga Qabiil waa eray af Carabi ah, waxaan doonayaa ruux ii macneeya waxa uu afka Soomaaliga ku yahay, haddii uusan afka Soomaaliga ku aqooninna waxa loola jeedo ha macneeyo.
waxaan kale oo rabaa in uu ereyga shacab ama shucuub oo iyana af Carabi ay uu ii macneeyo waxa loola jeedo.
markaas ka dib ayaan su’aalo kale Sh. Weydiin doonaa.
waxay ila tahay BEEL, kadibna JIFO , kadibna JILIB.
khayr alaha siiyo sheekh Axmed sida wacan ee uu u soo bandhigay maqaalkan, waxay ila tahay in ay sax tahay sida qoraagu tilmaamay in ay kala yihiin qabyaaladda iyo qabiilka , qabiilka waa kii calamo-jihaadeedka nabeigu uu u samayn jiray sida qoraaguba sheegay , qabyaaladduna waa tii uu yihi nabiga (SCW) ( isaga taga waa mid qudhuntaye) duulimaadkii Banii musdaliq( Muraysiic) markii ansaarigi iyo muhaajirki is maandhaafay mid walbaa uu u qayla dhaansaday tolkii oo halkaa ay ka yeertay (yaa lal-ansaar) ( yaa lal Muhaajiriin)
Shukran
s/c sheek alaha kaa ajar siiyo maqaalka qiimiga badani balse maanata waxaad moodaa in culimadii ay ugu daranyihiin isticmaalka qabiilka taa maxaad kadhihi lahayd adigoo mahadsan
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATAHUU,
SALAANTAASKABACDI HALKAAN WAXUU ISOO XASUUSIYAY LOOXKU FEEGAAYRKAYKII 1998 AAN JOURNAL LA ORANJIRAY SOMALI ELECTRONIC AAN MAALIN MAALMAHA KAMID AH AAN KU ARKAY AYDOO LOOGAHADLYO QABAALADA IYO QABIILKA AYAAN KUFEEGAARAY WXAYNA AHAYD SIDATAN.
Waa maxay Qabiil?
Waamaxay qabiil?
Qabiil waa abtirsiimo hadaan laxumayn.
Waa maxay qabyaaladi?
Waa kushaqayn qabiil indhala`, dhagala´, aan cilmi iyo caqli midna ku salaysnayn. Markalabadoodu saas loo kalaqaado waxaan kaleeyahay qabyaalada sidan:
WAA SHAY QIIMO IYO QAAYO AAN MIDNALAHAYN
WAA SHAY QALOOC LAHOO QIIMA DARAN
WAA SHAY MURUGA IYO MAAH SANAANBA BADAN
WAA SHAY XALAAL IYO XAARAAN KALA AQOON
WAA SHAY SHARAYSI IYO SHUUX SHUUBA BADAN
WAA SHAY NIN KII LUGU MAQLAA AAMINAAD LAHAYN
WAA SHAY SHIIKH IYO SHARIIF AAN KALA AQOON
WAA SHAY XISHOODXUMO IYO XAASIDNIMO BADAN
WAA SHAY SHIRISTIISU BADANTAHAY HADANA ANFAC AAN LAHAYN
WAA SHAY SHAYDAAN WADOO ARINTIISU HALISTAHAY.