Dagaal culus oo saaka ka socda magaalada Muqdisho

Published on July 28, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Dagaal culus oo saaka waaberigii ka qarxay qeybo ka mid ah xaafadaha ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho ayaa illaa duhurnimadan ka soconaya magaalada.

Dagaalka ayaa ka socda degmooyinka Hoda, Wardhiigle iyo Yaaqshiid qeybo ka mid ah oo markii danbe uu ku sii faafay. Waxaana meelaha uu dagaalku sida aadka u saameeyey ka mid ah suuqii Bakaaraha iyo jidka dheer ee Soddonka.

Ilo wareedyo u waramay Somalimiror ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa weerar ay soo qaadeenciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa shisheeye ee Amisom.

Warar aan la xaqiijin oo ka soo baxay dhanka DKMG ah saraakiisheeda ayaa sheegtay inay qabsadeen guud ahaan suuqa Bakaaraha iyo jidka Soddonka oo isku xira Blaksii illaa Towfiiq.

Ma jirto wax war ah ooka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab iyaadoo dagaalkuna uu saacadan socdo.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in khasaaraha illaa hadda u gaarayo 20 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac 25 ka badan oo isugu jira dhinacyada dagaalama iyo dad raayid ah waxaana kujira dad madaafiic kula dhacdy xaafado aad uga durugsan meelaha uu dagaal ka jiro kuwaasoo madaafiic ugu tagtay guryahooda.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal culus oo saaka ka socda jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho
  2. Dagaal Culus oo ka socda Qeybo ka mid ah Deg. Hodan
  3. Dagaal Culus oo ka socda Degmadda C/Casiis
  4. Dagaal Culus oo ay u Midaysan yihiin Garabyada Muqaawamada oo ka socda Muqdisho
  5. Dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho

Readers Comments (1)

  1. Faa iid says:

    Allaah kacabsada




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal culus oo saaka ka socda jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho
  2. Dagaal Culus oo ka socda Qeybo ka mid ah Deg. Hodan
  3. Dagaal Culus oo ka socda Degmadda C/Casiis
  4. Dagaal Culus oo ay u Midaysan yihiin Garabyada Muqaawamada oo ka socda Muqdisho
  5. Dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho

Latest Headlines