Dad barakac cusub ah oo maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho

Published on July 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Ku dhowaad 300 qoys oo ah dad ka soo barakacay gobolada koofurta dalka oo ay abaaro kulul sanadkaan ka jiraan ayaa saacadihii u danbeeyey soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qoysaska ayaa ka soo hayaamay degmooyin ku yaalla gobolada Baay, Gedo, Bakool, Shabeelaha hoose iyo qeybo ka mid ah Shabeelaha dhexe halkaasoo ka mid ah meelaha ugu daran ee sanadkaan abaarta ay ku habsatay.

Qaar ka mid ah dadkaan maanta soo gaarey Muqdisho oola hadlay wariyaasha ayaa sheegay inay ahaayeen dad xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira oo xoolihii ay dhaafeen abaartiina ay saameysay sidaasi darteed ay carruurtooda la soo qexeen.

Dadka ayaa maanta gaarey xero ku taalla duleedka degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho waxayna ka codsadeen dadka Soomaaliyeed guud ahaan in loo soo gurmado.

Ka sokow xaalda nolosha waxaa qoysaskan ku jira carruur iyo hooyooyin aaad u liita xagga nafaqo darida waxayna u baahan yihiin daryeel caafimaad.

Marka tiradaan lagu daro dadkii hore u soo gaarey magaalada Muqdisho waxay dadka abaaaruhu soo barakiciyeen ee ku sugan Muqdisho ay noqonayaan in ku dhow 16,000 qoys.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. 10 sarkaal oo ka socda Dalka Nigeria oo maanta soo gaarey M/Muqdisho
  2. Ciidamo Cusub oo Duhurnimadii Maanta Muqdisho soo gaarey
  3. Ciidamo cusub oo Amisom ka socda oo Muqdisho soo gaarey
  4. Ciidamo cusub oo Al-shabab ah oo Muqdisho soo gaarey.
  5. Qoysas barakac ah oo aad u Dandareysan oo ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 10 sarkaal oo ka socda Dalka Nigeria oo maanta soo gaarey M/Muqdisho
  2. Ciidamo Cusub oo Duhurnimadii Maanta Muqdisho soo gaarey
  3. Ciidamo cusub oo Amisom ka socda oo Muqdisho soo gaarey
  4. Ciidamo cusub oo Al-shabab ah oo Muqdisho soo gaarey.
  5. Qoysas barakac ah oo aad u Dandareysan oo ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Latest Headlines