Dabley dad gaari saaran ku laysay duleedka tuulada Kob-dhexaad

Published on July 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Gaari siday dad rakaab oo ka yimid degmada Boosaaso ee xarunta gobolka bari, kuna sii jeeday degmada Qandala ee isla gobolka bari ayaa waxaa dhexda u galay niman hubeysan oo tacshiirad huwiyay, mar uu marayay tuulada Kob-dhexaad ee hoos tegta degmada ufeyn ee gobolka bari.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in dadka halkaas damleydu ku laysay ay tiradoodu gaareyso sagaal ruux, labaatameeyo kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala geddisan, iyadoo guud ahaan dhaawaca iyo dadka dhintayba ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Kooxda dableyda ah ayaa la sheegay in ay rasaasta huwiyeen gaariga oo soconaya taasoo keentay in uu khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawacba elh soo gaaro dadkii gaariga saarnaa.

Sababta ka dambeysay weerarkan ayaa la aaminsan yahay in ay salka ku heyso aano qabyaaladeed iyo dilal noocan oo kale ah oo deegaankaas horay uga dhacay kuwaas oo u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah, deegaankana wada degta.

Mashaqadan ayaan ilaa iyo hadda helin cid wax la taaban karo ka qabatay ama ka tiri, iyadoo ay jiraan dadaallo bilow ah oo lagu doonayo in uusan dhicin dhib kale oo fal celis u ah masiibadaas. Dadka wax indha indheeya ay ka walwal qaba  in ay mushkiladani keento shaqaaqooyin aan dabo laheyn oo ku baaha deegaannadaas oo dhan.

Wixii kasoo kordha kala soco somalimirror.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad ku waxyeeloobeen
  2. Shil gaari oo khasaare sababay oo ka dhacay duleedka Matabaan
  3. Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka degmada Waaciye ee gobalka Bari
  4. Shil gaari oo geystay khasaare badan oo ka dhacay Duleedka Kismaayo.
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Afgooye.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad ku waxyeeloobeen
  2. Shil gaari oo khasaare sababay oo ka dhacay duleedka Matabaan
  3. Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka degmada Waaciye ee gobalka Bari
  4. Shil gaari oo geystay khasaare badan oo ka dhacay Duleedka Kismaayo.
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Afgooye.

Latest Headlines