Wafdi ganacsato iyo dhaqaatiir ka socota wadamada Masar iyo Sacuudiga ayaa maanta soo gaartay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyagoo booqashooyin kale duwan ku tagay maxjarka lagu baaro caafimaadka xoolaha iyo dekeda magaalada Boosaaso.
Wafdiga ganacsatada iyo dhaqaatiirta ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso masuuliyiin katirsan maxjarka wayn ee magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.
Ganacsade Xasan Qalaf oo wafdiga hogaminayey oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safarkooda uu qayb ka yahay dadaalo ay sameeyeen ganacsatada dalalka carabta iyo masuuliyiinta maxjarka Boosaaso oo ku’aadan in la dardar galiyo xoolaha loo iibgeeyo dalalka carabta.
Waxaa uu sheegay inuu sitoos ah uu u furmay ganacsi u dhaxeeya dalalka Masar, Lubnaan iyo maamulka Puntland.
Maamulaha maxjarada Puntland ee lagu baaro caafimaadka xoolaha Maxamed Faarax oo ka hadlay imaatinka wafdiga ayaa sheegay inay ganacsatada iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland inay siweyn usoo dhoweeynayaan booqashada ganacsatda iyo dhaqaatiirta kasocota dalalka carabta ee soo gaarey Boosaaso.
Sidoo kale Duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka mid ahaa masuuliiyiinta ka hadashay soo dhoweynta ganacsatada iyo dhaqaatiirta maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maamulka Puntland uu siweyn uu ugu faraxsanyahay xiriirka dhanka ganacsiga ee dhexmari doona ganacsatada reer Puntland iyo ganacsatada Masar iyo Lubnaan.
Wuxuuna duqa Boosaaso sheegay inay ganacsatada looga baahan yahay inay sii wadaan horumarinta ganacsiga xoolaha ee Puntland oo uu sheegay inay lafdhabar u yihiin dhaqaalaha soo galaya dalka Somaliya.
Booqashada wafdigaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu soo dhow yahay mowsimka Xajka oo sanadkaan aad loo rajeynayo in xoolo fara badan oo Soomaalida leedahy loo iibgeeyo wadanka Sacuudiga.

Related posts: